Itoobiya Oo Ka Digtay Dagaal Cusub Oo Ka Qarxa Gobolka Tigray
ADDIS ABABA – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka digtay suurtagalnimada dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray, kadib markii ay sheegtay in xubno mayal adag oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ay qorsheynayaan guluf militari oo ka dhan ah dowladda dhexe maalmaha soo socda. Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen […]

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka digtay suurtagalnimada dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray, iyadoo TPLF ay qorsheynayso guluf militari.
Maxaa la shaaciyey
- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan TPLF ay waddo diyaar-garow militari.
- Digniintan ayaa timid xilli heshiiskii nabadeed ee Pretoria uu wajahayo caqabado cusub.
- Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeysay TPLF inay jebisay heshiiskii nabadda kadib markii ay dib u soo celisay baarlamaanka gobolka Tigray.
Macnaha guud
Dagaalkii hore ee Tigray ayaa sababay dhimashada boqollaal kun oo qof, waxaana jira khilaaf siyaasadeed oo sii kordhaya.
“TPLF ay waddo diyaar-garow militari, iyagoo uga digay in dib u soo laabashada colaadda ay keeni karto cawaaqib xumo baahsan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan khataraha colaadeed ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Tigray.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
ADDIS ABABA – Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka digtay suurtagalnimada dagaal cusub oo ka qarxa gobolka Tigray, kadib markii ay sheegtay in xubno mayal adag oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ay qorsheynayaan guluf militari oo ka dhan ah dowladda dhexe maalmaha soo socda.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Wasiirka Arrimaha Bariga Afrika ee Itoobiya, Getachew Reda, iyo Madaxa Sirdoonka Qaranka, Redwan Hussein, ayaa lagu sheegay in TPLF ay waddo diyaar-garow militari, iyagoo uga digay in dib u soo laabashada colaadda ay keeni karto cawaaqib xumo baahsan oo saameyn karta Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii laba sano socday ee Tigray uu wajahayo caqabado cusub. Dagaalkaasi oo u dhexeeyay ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogagga TPLF ayaa sababay dhimashada boqollaal kun oo qof, iyadoo Midowga Afrika uu qiyaasay in ku dhowaad 600,000 oo qof ay ku dhinteen.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ku eedeysay TPLF inay jebisay heshiiskii nabadda kadib markii ay bishii April dib u soo celisay baarlamaankii gobolka Tigray, tallaabadaas oo Addis Ababa ku tilmaantay mid sharci-darro ah. Sidoo kale waxaa jira eedeymo dowladda ka imaanaya oo sheegaya in kooxda ay xiriir la leedahay Eritrea, inkastoo TPLF ay arrintaas beenisay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.