Jaamacadda Hope University oo qabatay kulan ay isugu yimaadeen ardaydii hore uga qalin-jabisay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiJaamacadda Hope University ayaa qabatay kulan Aluumi-ga oo ay ka qeyb galeen ardaydii hore uga qalin-jabisay jaamacadda, kuwaas oo maanta haya xilal sare.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayMaxamed Cilmi, ayaa ardayda kula dardaarmay inay door muuqda ka qaataan horumarka dalka.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeeya jaamacadda iyo ardaydii hore uga qalin-jabisay, kor u qaadista wada-shaqeynta labada dhinac iyo ballaarinta kaalinta ay jaamacaddu ku leedahay adeegga iyo horumarinta bulshada.
- Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn daahfurtay Haawo Ibraahim Cali, oo ka mid ah ardaydii hore uga qalin-jabisay Jaamacadda Hope University.
- Intii uu kulanku socday, qaar ka mid ah ardaydii hore ayaa halkaas ka jeediyay hadallo ay ku cabbireen dareenkooda ku aaddan waxbarashadii ay ku qaateen jaamacadda, iyagoo sidoo kale ka hadlay doorka ay Hope University ku lahayd kobcinta aqoontooda iyo horumarkooda shaqsiyeed iyo mid xirfadeed.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeeya jaamacadda iyo ardaydii hore uga qalin-jabisay.
- Haawo Ibraahim Cali ayaa daahfurtay munaasabadda, iyadoo ardaydii hore ka jeediyeen hadallo ku saabsan waxbarashadooda.
- Madaxweyne Ku-xigeenka Jaamacadda Hope University, Eng. Maxamed Cilmi, ayaa ardayda kula dardaarmay inay door muuqda ka qaataan horumarka dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho – Jaamacadda Hope University ayaa maanta si guul leh u qabatay kulanka Aluumi-ga (Alumni), kaas oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah ardaydii hore uga qalin-jabisay jaamacadda, kuwaas oo maanta haya xilal sare iyo masuuliyado muhiim ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ka dhexeeya jaamacadda iyo ardaydii hore uga qalin-jabisay, kor u qaadista wada-shaqeynta labada dhinac iyo ballaarinta kaalinta ay jaamacaddu ku leedahay adeegga iyo horumarinta bulshada.
Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn daahfurtay Haawo Ibraahim Cali, oo ka mid ah ardaydii hore uga qalin-jabisay Jaamacadda Hope University.
Intii uu kulanku socday, qaar ka mid ah ardaydii hore ayaa halkaas ka jeediyay hadallo ay ku cabbireen dareenkooda ku aaddan waxbarashadii ay ku qaateen jaamacadda, iyagoo sidoo kale ka hadlay doorka ay Hope University ku lahayd kobcinta aqoontooda iyo horumarkooda shaqsiyeed iyo mid xirfadeed.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa waxaa soo xiray Madaxweyne Ku-xigeenka Jaamacadda Hope University, Eng. Maxamed Cilmi, kaas oo ardaydii hore kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalkooda, aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarka dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka jaamacadda iyo ardaydii hore uga qalin-jabisay, si loo kobciyo wada-shaqeynta, is-weydaarsiga aqoonta iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · education · education · uga · jaamacadda