Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika oo ku dhawaaqday dilaaca cudurka daacuunka
Bangui, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika – Dowladda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa ku dhawaaqday in cudurka daacuunka uu ka dillaacay dalka, kadib markii la xaqiijiyay 197 xaaladood, oo ay ku jiraan 24 dhimasho ah, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha. Wasiirka Caafimaadka, Pierre Somse, ayaa ku dhawaaqay dillaaca cudurka Jimcihii, kadib markii kiisaska laga xaqiijiyay degmooyinka caafima

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Bangui, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika – Dowladda Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa ku dhawaaqday in cudurka daacuunka uu ka dillaacay dalka, kadib markii la xaqiijiyay 197 xaaladood, oo ay ku jiraan 24 dhimasho ah, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha.
Wasiirka Caafimaadka, Pierre Somse, ayaa ku dhawaaqay dillaaca cudurka Jimcihii, kadib markii kiisaska laga xaqiijiyay degmooyinka caafimaadka ee Bimbo iyo Mbaïki, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee caasimadda Bangui, sida laga soo xigtay Radio Ndeke Luka.
Dowladdu waxay sheegtay in si degdeg ah loo bilaabay tallaabooyin ka hortag ah oo laga hirgeliyay tuulooyinka iyo magaalooyinka ku dhow goobaha uu cudurku ka dillaacay, si loo xakameeyo faafitaanka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale sheegtay in baaritaanno dheeraad ah lagu wado si loo ogaado halka uu ka yimid cudurka, iyadoo wasiirku uu tilmaamay in tani ay tahay mid ka mid ah cudurradii ugu dambeeyay ee dalka ka dilaaca.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.