Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Kheyre Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Ka Socda Jalalaqsi
MUQDISHO – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Qoraal uu soo saaray Kheyre ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay colaadda dib uga soo cusboonaatay degmada Jalalaqsi, isagoo xusay in […]
Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Jalalaqsi, Hiiraan.
Maxaa la shaaciyey
- Kheyre wuxuu muujiyay in colaadda Jalalaqsi ay keentay khasaaro weyn oo soo gaaray shacabka.
- Wuxuu ku baaqay in beelaha ku dagaallamaya ay xal u helaan wadahadal.
- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle waxaa lagu wargelinayaa inay ka qayb qaataan dadaallada nabadeynta.
Macnaha guud
Colaadda ka socota Jalalaqsi ayaa dib u soo cusboonaatay, iyadoo Kheyre uu ka xun yahay khasaaraha ka dhashay.
““Waxaan ka xumahay colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ka soo cusboonaaday magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda colaadeed ee Jalalaqsi iyo baaqyada nabadeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Qoraal uu soo saaray Kheyre ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay colaadda dib uga soo cusboonaatay degmada Jalalaqsi, isagoo xusay in sawirrada iyo muuqaallada laga soo tabinayo dagaalkaasi ay yihiin kuwo murugo leh oo muujinaya baaxadda khasaaraha soo gaaray shacabka, duunyada iyo deegaanka.
“Waxaan ka xumahay colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ka soo cusboonaaday magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waxaa qarracan iyo uur-kutaallo ah sawirrada iyo muuqaallada hororka ah ee laga soo tabinayo baaxadda iyo khasaaraha dagaalkan sokeeye,” ayuu yiri Kheyre.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in Soomaalidu ay khibrad ku filan u leedahay dhibaatooyinka iyo khasaaraha ka dhasha dagaallada sokeeye, isagoo ku tilmaamay arrin nasiib darro iyo musiibo qaran in maanta dad Soomaaliyeed ay isku dilaan aanooyin qabiil.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.