Kooxo burcadbadeed ah oo weeraray labo markab
Kooxo burcadbadeed ah ayaa labo markab oo ganacsi ku weeraray marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Puntland, kuwaas oo… Sii akhri

Kooxo burcadbadeed ah ayaa labo markab oo ganacsi ku weeraray marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Puntland.
Maxaa la shaaciyey
- Markabka xamuulka qaada ee Greta Star ayaa la sheegay in 15-kii bishan Juun ay u soo dhawaadeen rag hubeysan.
- Markab kale oo xamuul guud ah ayaa lagu weeraray 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan degmada Xaafuun.
- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sababtay dib u soo noqoshada burcadbadeeda.
Macnaha guud
Dhacdooyinkan ayaa ku soo aaday, iyadoo ilaa saddex markab lagu haysto xeebaha Puntland.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u soo noqoshada burcadbadeeda ka dilaacday xeebaha Soomaaliya.”
Sababta ay muhiim u tahay: Falkani wuxuu muujinayaa khatarta burcadbadeeda ee ka jirta xeebaha Puntland, taasoo saameyn ku yeelan karta ganacsiga iyo amniga badda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Kooxo burcadbadeed ah ayaa labo markab oo ganacsi ku weeraray marin-biyoodka Gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Puntland, kuwaas oo ugu dambeyn ka badbaaday isku dayo lagu doonayay in lagu qafaasho.
Markabka xamuulka qaada ee Greta Star oo wata calanka Panama ayaa la sheegay in 15-kii bishan Juun ay u soo dhawaadeen rag hubeysan oo saarnaa doon yar, xilli uu marayay koonfurta xeebaha dalka Yemen.
Shirkadda ammaanka badaha ee Vanguard Tech ayaa sheegtay in kooxda burcadbadeeda ah ay rasaas culus ku furtay markabka, balse shaqaaluhu ay kordhiyeen xawaaraha markabka, iyaga oo qaaday tallaabooyin amni oo sababay in weerarku fashilmo.
Sidoo kale waxaa saacadihii la soo dhaafay markab kale oo xamuul guud sida kuna socdaalayay calanka Palau isna lagu weeraray meel qiyaastii 32 mayl-badeed koonfur kaga beegan degmada Xaafuun ee gobolka Bari.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.