Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Ku-simaha Madaxweynaha JFS Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saartay Dagaalka Beeleed Ee Ka Socda Gobolka Hiiraan
MUQDISHO – Ku-simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan dirirta dad walaalo ah oo isku deegaan ah ku dhexmareysa degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. “Dagaalk
Ku-simaha Madaxweynaha JFS, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaalka beeleedyada ka socda gobolka Hiiraan.
Maxaa la shaaciyey
- Sacdiya Yaasiin ayaa sheegtay in dagaalka beeleedyada uu dhaawacayo nabadda iyo wadajirka bulshada.
- Waxay ugu baaqday waxgaradka iyo bulshada Hirshabeelle in ay ka howlgalaan joojinta colaadda.
- Guddoomiye Sacdiya ayaa caddeysay in ay garab taaganyihiin dadaallada lagu xoojinayo nabadda.
Macnaha guud
Dagaalka beeleedyada ayaa ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, taasoo keentay baaq nabadeed.
““Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda nabadgelyo ee gobolka Hiiraan iyo dadaallada lagu joojinayo colaadda.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Ku-simaha Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, gaar ahaan dirirta dad walaalo ah oo isku deegaan ah ku dhexmareysa degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo, waxa uuna dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka” ayey tiri Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin.
Kusime Madaxweyne, Guddoomiye Sacdiya ayaa ugu baaqday dhamaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo bulshada Hirshabeelle in ay si deg deg uga howlgalaan joojinta colaadda, sidoo kalena xal waara oo nabadeed loo helo khilaafka jira.
“Annaga oo ah Gudoonka Golaha shacabka, waxaan caddeynaynaa inaan garab taagannahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka” ayey hadalkeeda kusii dartay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.