Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Kulan looga hadlayay furitaanka Kalfadhiyada labada gole oo muqdisho ka dhacay
Jun 22(Jowhar)-Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga iyo ka-tashiga furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoonka Labada Aqal ayaa yeeshay dood iy
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare si looga wada hadlo furitaanka Kalfadhiga 8-aad.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad.
- Guddoonka Labada Aqal ayaa muujiyey muhiimadda dib u furista Kalfadhiga si Baarlamaanku u gudan karo waajibaadkiisa dastuuriga ah.
- Taariikhda rasmiga ah ee furitaanka Kalfadhiga 8-aad ayaa la shaacin doonaa maalmaha soo socda.
“Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan horumarka baarlamaanka iyo doorka ay ku leeyihiin horumarinta dowladnimada.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Jun 22(Jowhar)-Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga iyo ka-tashiga furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Labada Aqal ayaa yeeshay dood iyo falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan muhiimadda dib u furista Kalfadhiga 8-aad, si Baarlamaanku u sii ambaqaado gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah. Waxaa kulanka lagu adkeeyey doorka muhiimka ah ee Baarlamaanku ku leeyahay horumarinta dowladnimada, xoojinta hay’adaha dastuuriga ah, iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.
Sidoo kale, Guddoonka ayaa isku raacay in taariikhda rasmiga ah ee furitaanka Kalfadhiga 8-aad la shaacin doono maalmaha soo socda, kaddib marka la dhammeystiro diyaar-garowga lagama maarmaanka ah iyo xaqiijinta kooram buuxa oo ay yeeshaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Labada Aqal ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in Baarlamaanku si hufan, daahfuran iyo masuuliyad leh u guto waajibaadkiisa qaran, isla markaana uu dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed inta lagu jiro kalfadhiga cusub.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.