Kulankii safiirka Türkiye iyo Xasan oo farriin siyaasadeed culus u diray mucaaradka
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta Villa Somalia kula yeeshay safiirka Türkiye ee Soomaaliya ayaa farriin siyaasadeed oo xooggan u diray mucaaradka Soomaaliya, islamarkaana garab weyn u noqday Villa Somalia, xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-xileedka madaxweynaha. Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa maanta

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta Villa Somalia kula yeeshay safiirka Türkiye ee Soomaaliya ayaa farriin siyaasadeed oo xooggan u diray mucaaradka Soomaaliya, islamarkaana garab weyn u noqday Villa Somalia, xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-xileedka madaxweynaha.
Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa maanta lagu qaabilay Villa Somalia, saacado kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay sii xoojiyeen doodda ah in muddo-xileedka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii May, isla markaana uusan wixii ka dambeeya maalintaas si buuxda u adeegsan karin awoodaha madaxweynaha.
Xilliga uu kulanka dhacay ayaa ah mid siyaasad ahaan muhiim ah. Türkiye ma aha dal xiriir caadi ah la leh Soomaaliya. Waa mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Muqdisho, waxayna door weyn ku leedahay amniga, tababarka ciidamada, kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo, iskaashiga badda iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Sidaas darteed, kulanka la shaaciyey ee dhexmaray safiirka Türkiye iyo Xasan Sheekh, kana dhacay Villa Somalia, wuxuu dirayaa farriin diblomaasiyadeed oo cad: Ankara weli waxay la shaqeyneysaa hoggaanka Dowladda Federaalka, inkasta oo mucaaradku ku doodayaan in sharciyaddii madaxweynaha ay dhammaatay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan