Kumuu ahaa Wariye Maxamed Aweys Muudey “Boqorka Bartamaha” ?
Allaha u naxariistee, waxaa geeriyooday wariye ruugcaddaa ah Maxamed Aweys Muudey, oo si weyn loogu yaqaanay magaca “Boqorka Bartamaha”, kana mid ahaa wejiyadii muddada dheer kasoo muuqday warbaahinta Soomaaliyeed.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Allaha u naxariistee, waxaa geeriyooday wariye ruugcaddaa ah Maxamed Aweys Muudey , oo si weyn loogu yaqaanay magaca “Boqorka Bartamaha” , kana mid ahaa wejiyadii muddada dheer kasoo muuqday warbaahinta Soomaaliyeed.
Geeridiisa waxaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday dalka Jarmalka , halkaas oo uu sannadihii dambe ku noolaa.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Muudey waxaa la sheegay in lagu dilay mindi , waxaana socday baaritaanno la xiriira dhacdada.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sidoo kale sheegay in markii hore dhaawac ahaan loo qaaday balse uu markii Isbitaalka la geeyey u geeriyooday dhaawicii gaaray, waxaana la sheegay in dilkiisa u ka dambeeyay nin soomaali ah oo ay murmeen.
Boqorka Bartamaha ayaa ka mid ahaa Wariyayaasha caanka ah ee mudada ka shaqeynayey Saxaafadda Soomaaliya isagoo sanadkii 2017 tagay dalka Jarmalka kadib markii lagasoo daayey xabsi uu muddo ku xirnaa oo ku yaalla dalka Itoobiya.
Boqorka bartamaha oo ahaa wariye, Jilaa, iyo suugaanyahan muddo dheer ku soo jirey saxaafadda fanka soomaalida ayaa sanadkii 1958-kii ku dhashay magaalada muqdishu, gaar ahaan degmada shibis.
Barisamaadkii wuxuu kamid ahaa wariyaashii aad loo jeclaa ee radio muqdishu iyo tiyaatarka qaranka, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa iidhahda iyo xariirinta riwaayadaha.
Maxamed Aweys Muudey wuxuu ka mid noqday wariyeyaashii muddada dheer kasoo shaqeeyay warbaahinta Muqdisho, wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay barnaamijkii ololaha reer miyiga ee sanadkii 1974-tii.
Mid ka mid ah dhinacyada uu si weyn ugu dhex jiray wuxuuna sidoo kale ahaa wariye caan ku noqday codkiisa, qaabkiisa werin iyo xiriirinta barnaamijyada fanka iyo madadaalada.
3-dii December 2009 , Maxamed Aweys Muudey wuxuu ka mid ahaa wariyeyaashii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Hotel Shamo ee Muqdisho, xilligaas oo uu u shaqeynayay idaacaddii Somaliweyn Radio .
Qaybta ugu xusuusta badan taariikhda Maxamed Aweys Muudey waxay ahayd sannadihii uu ku qaatay xabsiga Itoobiya.
Waxaa la xiray dabayaaqadii 2013 , isagoo ku sugnaa Addis Ababa, sannadkii 2014-kii ayayna maxkamad Itoobiya ku taalla ku xukuntay 27 sano oo xabsi ah , iyadoo dacwaddiisa lagu xiriiriyay eedeymo la xiriiray argagixiso iyo xog ku saabsan hawlgallo Al-Shabaab.
Qoyska wariyaha ayaa eedeymahaas beeniyay, ayadoo sidoo kale ururro caalami ah oo u dooda xuquuqda saxafiyiinta ay walaac ka muujiyeen habka loo maareeyay dacwaddiisa.
Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu diiwaangeliyay eedeymo la xiriiray xarig aan sharci ahayn, jirdil iyo xadgudubyo la sheegay inay ka dhaceen intii uu xirnaa.
Inkasta oo lagu xukumay 27 sano, Maxamed Aweys Muudey wuxuu xabsiga Itoobiya ku qaatay in ka badan afar sano, ayadoo Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay sii deyntiisa, waxaana December 2017 laga sii daayay xabsiga Itoobiya.
17-kii December 2017 ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay qoyskiisa, wariyeyaasha iyo bahda saxaafadda.
Sanadihii dambe ee noloshiisa, Muudey wuxuu ku noolaa Jarmalka , halkaas oo uu sii watay xiriirkii uu la lahaa saxaafadda iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Geerida Maxamed Aweys Muudey ayaa la xaqiijiyay September 2026 , isagoo ku sugnaa Jarmalka, waxaana wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · muudey · boqorka · bartamaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada