Wararkii ugu dambeeyay geerida ku timid Boqorka Bartamaha iyo Xasan Kaafi Qoyste
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u wada naxariistee, Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) iyo Wariye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Sheekh Isxaaq (Qoyste), kuwaas oo ka mid ahaa wariyeyaasha…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u wada naxariistee, Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) iyo Wariye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Sheekh Isxaaq (Qoyste), kuwaas oo ka mid ahaa wariyeyaasha ruugcaddaaga ah ee Soomaaliyeed, isla markaana muddo dheer kusoo jiray saxaafadda dalka.
Boqorka Bartamaha oo ka tirsanaa bahda Warbaahinta Qaranka ayaa lagu dilay magaalada Darmstadt ee dalka Jarmalka, kadib markii uu mindi ku dhaawacay nin kale oo Soomaali ah, waxaana markii dambe uu u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.
Sida ay sheegayaan wararka horudhac ah Boqorka Bartamaha iyo ninka dilka geystay ayaa horay u murmay, iyada oo kadib uu xigay dilka marxuumka, waxaana haatan baaritaanno wada laamaha amniga ee dalka Jarmalka.
Wasasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), waxaana qoraalka tacsi loogu diray ehellada marxuumka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo ka tirsanaa bahda Warbaahinta Qaranka. Wasiir Cabdulfitaax Qaasim ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Maxamed Aweys Muudey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, bahda saxaafadda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale, waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Sheekh Isxaaq (Qoyste) oo isna ahaa wariye ruugcadaa ah, kana soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da.
Xasan Kaafi ayaa lasoo wariyay inuu u geeriyooday xanuun deg-deg ah oo kusoo booday, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.
Maamulka iyo shaqaalaha Caasimada Online waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehellada, qaraabada, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen labada wariye.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumiyiinta ku gallado naxariistiisa, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, ehelladii iyo qaraabadiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xasan · qoyste · geerida
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada