Madaxa WHO oo U Safraya Congo Xilli Ebola Mar Kale Ka Dillaacay Dalka
Geneva, Switzerland – Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ku dhawaaqay inuu u safrayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo si uu u hoggaamiyo dadaallada lagula tacaalayo dillaac cusub oo uu sameeyay cudurka halista ah ee Ebola. Tedros ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku xaqiijiyay in cudurka Ebola […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Geneva, Switzerland – Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ku dhawaaqay inuu u safrayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo si uu u hoggaamiyo dadaallada lagula tacaalayo dillaac cusub oo uu sameeyay cudurka halista ah ee Ebola.
Tedros ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku xaqiijiyay in cudurka Ebola uu dib uga soo muuqday dalka Congo, isagoo sheegay in WHO ay xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda iyo shaqaalaha caafimaadka ee ku howlan xakamaynta cudurka.
“Ebola way soo noqotay. Waxaan garab istaagi doonaa kooxahayaga WHO, la-hawlgalayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka ee aan daalka aqoon. Waxaan rabaa inaan idinla joogo waqtigan adag, waxaana rabaa inaad ogaataan inaadan kaligiin ahayn,” ayuu yiri Tedros.
Madaxa WHO ayaa sheegay in gobolka Ituri ee bariga Congo uu yahay halka ugu daran ee uu cudurku saameeyay, isagoo ammaanay dadaallada dowladda Congo ee hoggaaminaya howlaha lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan