Madaxtooyada oo qorsheyneysa iney mar kale xanibto dhq dhaqaaqyada Mucaaradka ee banaanbaxa qabsnaaya
May 30(Jowhar) Villa Somalia ayaa doonaysa in ay markale mucaaradkeeda Muqdisho kusugan u cayinto meelo ay iskugu imaan karaan oo Banaanbax ku qabsan karaan, sida ay xaqiijinayaan ilowareedyo dhinaca amniga ah, soo jeedinta dowladda Faderaalka ayaa la gaarsiiyey dhinaca mucaaradka oo 4ta bisha June u balansan in ay qabtaan Banaanbax Nabdeed looga soo horjeedo mudo […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
May 30(Jowhar) Villa Somalia ayaa doonaysa in ay markale mucaaradkeeda Muqdisho kusugan u cayinto meelo ay iskugu imaan karaan oo Banaanbax ku qabsan karaan, sida ay xaqiijinayaan ilowareedyo dhinaca amniga ah, soo jeedinta dowladda Faderaalka ayaa la gaarsiiyey dhinaca mucaaradka oo 4ta bisha June u balansan in ay qabtaan Banaanbax Nabdeed looga soo horjeedo mudo dhaafka Xasan Sheikh Maxamuud.
Xeeladan cusub ee madaxweynaha mudo dhaafka ah ayaa lamid ah tii horey ee mucaaradka loogu sheegay in ay garoonka Ciyaaraha ee Koonis iskugu tagaan, taas oo ah talaabo lagu baajinayay banaanbaxa, yoolka hadda laga leeyahay ayaana lagu fasiray in dowladdu doonayso in ay isku muujiso ogolaansho, haddana xooga saarto xagasha amniga oo ay sheegto in aysan ciidan ogoleyn.
Sida ay xoguhu sheegayaan xubnaha mucaaradka qaarkood oo fariintan la gaarsiiyey ayaa sheegay in aysan aqbaleyn oo ay xaq u leeyihiin goobaha ay ku dhigan karaan, amnigana aysan halis ku aheyn.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan