Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle
Jun 16 (Jowhar)Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Hirshabeelle. Qorshahan ayaa lagu hagayaa dadaallada horumarineed ee Dowladda Hirshabeelle shanta sano ee soo socota, isagoo xoogga s

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maanta daah-furay Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda Hirshabelle.
Maxaa la shaaciyey
- Qorshahan waxaa diyaariyay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Hirshabeelle.
- Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshahan uu muhiim u yahay horumarka dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada.
- Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u saxiixay Buugga Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda Hirshabelle (2026–2030).
“Waxaan rabnaa in qorshahan loo fuliyo sidii loo qoray.”
Sababta ay muhiim u tahay: Qorshahan ayaa saameyn ku yeelan doona horumarka iyo adeegyada bulshada ee Hirshabelle.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Jun 16 (Jowhar)Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Horumarinta Labaad ee Dowladda, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Hirshabeelle.
Qorshahan ayaa lagu hagayaa dadaallada horumarineed ee Dowladda Hirshabeelle shanta sano ee soo socota, isagoo xoogga saaraya isla-xisaabtanka, hufnaanta maamulka, iyo hirgelinta mashaariic waxtar u leh bulshada iyo dowladda.
Munaasabadda daah-furka waxaa ka qeyb galay xubnaha labada gole ee Dowladda Hirshabeelle, mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wakiillo ka socday Hay’adda Bangiga Adduunka (World Bank), WFP iyo U-Qeybsanaha Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay muhiimadda uu qorshahani u leeyahay horumarka dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada, isagoo yiri:
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Jowhar
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.