Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, isagoo sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe lagu soo afjarayo argagixisada, [R

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga sifeynayo kooxda Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, isagoo sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe lagu soo afjarayo argagixisada, isla markaana qorshahaas dhawaan lala wadaagi doono shacabka Soomaaliyeed.
“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta. Dadka Soomaaliyeedna dhowaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa mar kale ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen Khawaarijtu inay isaga soo baxaan, isagoo u ballanqaaday cafis iyo fursad ay dib ugu soo laabtaan bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.