Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee xarunta, halkaasi oo ardayda lagu baro xi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga iyo indha-indheyn ku sameeyay fasallada iyo goobaha tababarka.
- Dugsiga waxaa lagu baro xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.
- Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Dowlad Goboleedka Galmudug hirgelinta mashaariicda wax-tarka u leh bulshada.
“Maalgelinta xarumaha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadanayso yaraynta shaqo la’aanta.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la fahmo sida mashaariicda waxbarashada farsamada gacanta ay gacan uga geysanayaan horumarinta xirfadaha dhallinyarada iyo yaraynta shaqo la'aanta.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isaga oo soo indha-indheeyay fasallada, goobaha tababarka, xafiisyada maamulka, guryaha deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee xarunta, halkaasi oo ardayda lagu baro xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha guryaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyay madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug sida mudnaanta loo siinayo hirgelinta mashaariicda wax-tarka u leh bulshada, gaar ahaan kuwa lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.
Madaxweynaha ayaa xusay in maalgelinta xarumaha noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadanayso yaraynta shaqo la’aanta, maadaama ay dhallinyarada siinayaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, isla markaana ay ku abuuran karaan fursado shaqo oo cusub.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.