Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadda Ciidda Carafo kumaan shacabka kula tukaday Muqdisho

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Mogadishu. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku

SO
Madaxweynaha Soomaaliya oo Salaadda Ciidda Carafo kumaan shacabka kula tukaday Muqdisho
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Mogadishu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo, isaga oo Alle uga baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu ku manneysto nabad, barwaaqo iyo horumar waara.

“Kama tageyno in marwaliba aynu is xusuusinno dhaqamada wanaagsan ee la sameeyo maalintan oo kale. Waxaa muhiim ah in aan xoojino midnimadeenna, iskaashiga iyo taageerada bulshada dhexdeeda si loo gaaro Soomaaliya nabdoon oo horumarsan,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in geeddi-socodka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed uu marayo marxalad taariikhi ah oo ay hoggaaminayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay midnimada, wadajirka bulshada, is-caawinta iyo garab istaagga dadka nugul si loo xaqiijiyo Soomaaliya mar kale cagaheeda isku taagta.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralkulamuqdishomadaxweynaha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.