Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Madaxweyne Deni oo gaaray Gaalkacyo
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isaga oo xalay guure kaga baxay… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isaga oo xalay guure kaga baxay magaalada Garoowe.
Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu Gaalkacyo kulamo kula yeesho saraakiisha amniga, maamulka labada heer iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uu kala hadli doono amniga iyo horumarinta gobolka.
Safarka madaxweyne Deni ee Gaalkacyo ayaa yimid, xilli labo maalin ka hor uu magaaladaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya.
Puntland ayaa la wareegtay xeradii PSF ee Gaalkacyo, waxaana halkaas ka dhacday arrin ugub ah, kaddib markii shacab iyo ciidanba boobeen saanadii iyo agabyadii kale ee yaallay xeradaas.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.