Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Jowhargeneral

Madaxweyne Xasan oo bilaabay kulamo uu la leeyahay Odayaasha Beelaha Muqdisho ee mucaaradka ah

May 25(Jowhar) Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa bilaabay in uu lakulmo odayaasha beelaha uu saami qeybsigooda kasoo jeeda ee Muqdisho,gaar ahaana qeybaha kasoo horjeeda ee tabashada mudooyinkii lasoo dhaafay ka qabay, isagoo doonaya in uu kala hadlo sidii aysan ugu biiri laheyn mucaaradka kasoo horjeeda ee abaabulka Banaanbaxyada ka wada Muqdisho, kuwas oo diidan kororsiga mudo […]

SO
Madaxweyne Xasan oo bilaabay kulamo uu la leeyahay Odayaasha Beelaha Muqdisho ee mucaaradka ah
Sawir / xog muuqaal ah · Jowhar
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Jowhar

May 25(Jowhar) Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa bilaabay in uu lakulmo odayaasha beelaha uu saami qeybsigooda kasoo jeeda ee Muqdisho,gaar ahaana qeybaha kasoo horjeeda ee tabashada mudooyinkii lasoo dhaafay ka qabay, isagoo doonaya in uu kala hadlo sidii aysan ugu biiri laheyn mucaaradka kasoo horjeeda ee abaabulka Banaanbaxyada ka wada Muqdisho, kuwas oo diidan kororsiga mudo xileedka.

Madaxweynaha ayaa 4tii habeen ee lasoo dhaafay qaabilay odayaasha beelaha, wuxuuna mid kamid ah kulamadan ka sheegay madaxweyna in uu yahay Hoggaamiye dhankooda u soo baxay, oo doonaya in uu gaarsiiyo meel sare, sida kulanka ay sheegayaan qaar kamid ah xubnihii ka qeybgalay, Shidaal qodis, dhismaha mashaariic waa weyn oo garoomo kujiraan & deegaano Shabeelaha Dhexe oo heli doona fursado gaar ah ayuu sheegay.

Qaar kamid ah waxgaradka kulanka tagay ee kasoo jeeday degmada Deyniile ayaa u sheegay madaxweyne Xasan Sheikh in gacantiisu meel kasta gaartay. Cagaftuna dadkii barakicisay, cid u dhaqana aysan jirin, mudo xileedkiisiina dhamaaday oo ay tahay in uu siyaasiinta kala heshiiyo nooca doorashada dalka.

Villa Somalia ayaa qorshahan ka leh in ay iska dajiso culeysada dhinaca beelaha uga imaan kara oo ah goobaha ay taageerada ka heli karan siyaasiinta diidan mudo kororsiga ee ay saami qeybsiga wadaagan, aadida Shabeelaha Dhexe ilaa Deyniile ayaana ka dhigan in madaxweynuhu cabsi ka qabo agagaarkaas.

Isha: Jowhar. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Jowhar
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralmadaxweynebeelahaodayaasha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.