Madaxweyne Xasan Sheekh: Lagama yaabo in Al-Shabaab abid dib u xukunto Soomaaliya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMadaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan macquul ahayn in Al-Shabaab ay dib u la wareegto talada Soomaaliya, isagoo caddeeyey in inkastoo dagaalku sii socon karo, aysan kooxdu dib ugu noqon karin heerkii ay horey uga gaartay.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- “Dagaalkan waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo kale, laakiin ma jirto suurta-galnimo ah in Al-Shabaab ay soo laabato oo ay dalka oo dhan gacanta ku dhigto,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri wareysi uu siiyey Al Jazeera.
- Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan hadda gacanta ku hayn magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale meesha ka saaray sheegashada ah in kooxdu ay maamusho “dowlad barbar socota” dowladda federaalka.
- Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda hoggaamineyso istaraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana furitaankii furimo cusub uu kooxda ku riixay dhul miyi ah.
- Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka canshuuraha ee Al-Shabaab uu ku dhisan yahay cabsi iyo xoog, halkii uu ka ahaan lahaa adeegyo ay kooxdu siiso dadka ay lacagaha ka qaaddo.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin istaraatiijiyadaha gaarka ah ee la hirgelinayo si loo xakameeyo saameynta Al-Shabaab?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan macquul ahayn in Al-Shabaab ay dib u la wareegto talada Soomaaliya.
- Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan hadda gacanta ku hayn magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Mareykanka uu sii wado taageerada Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray suurta-galnimada in kooxda Al-Shabaab ay mar kale awood u yeelato inay la wareegto talada dalka, isaga oo sheegay in inkastoo dagaalku sii socon karo, aysan kooxdu dib ugu noqon karin heerkii ay horey uga gaartay Soomaaliya.
“Dagaalkan waxaa laga yaabaa inuu sii socdo muddo kale, laakiin ma jirto suurta-galnimo ah in Al-Shabaab ay soo laabato oo ay dalka oo dhan gacanta ku dhigto,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri wareysi uu siiyey Al Jazeera.
“Soo laabashada Al-Shabaab waa wax aan macquul ahayn. Sidoo kale dib ugu noqoshada dagaal sokeeye, dagaal beeleed ama dagaal siyaasadeed waa wax aan macquul ahayn,” ayuu intaas ku daray.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan hadda gacanta ku hayn magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale meesha ka saaray sheegashada ah in kooxdu ay maamusho “dowlad barbar socota” dowladda federaalka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda hoggaamineyso istaraatiijiyadda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana furitaankii furimo cusub uu kooxda ku riixay dhul miyi ah.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in nidaamka canshuuraha ee Al-Shabaab uu ku dhisan yahay cabsi iyo xoog, halkii uu ka ahaan lahaa adeegyo ay kooxdu siiso dadka ay lacagaha ka qaaddo.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli awood militari ku leh qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna sii waddaa weerarro, qaraxyo iyo dilal lala beegsado ciidamada dowladda, saraakiisha iyo dadka rayidka ah.
‘Saaxiibka ugu xooggan’
Wareysiga dhexdiisa, Xasan Sheekh ayaa Mareykanka ku tilmaamay saaxiibka ugu xooggan ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka argagixisada, isaga oo sheegay in iskaashiga amni ee Muqdisho iyo Washington uu sii socdo.
Hadalkaas ayaa kusoo beegmay xilli madaxweynaha uu Muqdisho kula kulmay Massad Boulos, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha Carabta iyo Afrika.
Villa Somalia ayaa sheegtay in Xasan Sheekh iyo Boulos ay ka wada hadleen arrimo goboleed iyo kuwo caalami ah oo labada dhinac muhiim u ah, isla markaana ay mar kale xaqiijiyeen muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Madaxtooyadu ma aysan sheegin in kulanka si gaar ah looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulanka ayaa yimid iyadoo Mareykanku sanadkan si weyn u kordhiyey duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyo, kuwaas oo lagu bartilmaameedsado Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.
Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa tobannaan weerar oo cirka ah ka fuliyey Soomaaliya sanadkan, kuwaas oo intooda badan lagu sheegay inay la socdaan iskaashi ay la leeyihiin dowladda federaalka.
Mareykanka ayaa sidoo kale tababar iyo taageero siiya ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka Danab, oo door weyn ku leh howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Al-Shabaab weli waa khatar
Inkasta oo Xasan Sheekh uu meesha ka saaray in Al-Shabaab ay dib ugu soo laaban karto talada dalka, haddana kooxdu weli waxay awood u leedahay inay dagaal dheer sii waddo.
Al-Shabaab waxaa Muqdisho laga saaray sanadkii 2011, waxaana sannadihii xigay laga qabsaday magaalooyin kale oo waaweyn, balse waxay weli ku sugan tahay deegaanno badan oo miyi ah.
Kooxdu waxay sidoo kale sii waddaa qaraxyo, weerarro toos ah iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso gudaha dalka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan ciidamada deegaanka, howlgalka Midowga Afrika iyo saaxiibbo caalami ah, ayaa dhowr jeer qaaday weerarro lagu doonayo in kooxda looga saaro deegaannada ay maamusho.
Howlgalladaas waxay dowladda u horseedeen guulo dhowr ah, balse Al-Shabaab ayaa iyaduna marar kala duwan dib u qabsatay deegaanno iyo fariisimo ay ciidamada dowladda horey uga saareen.
Hadallada Xasan Sheekh ayaa kala saaraya laba arrimood: in Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay sii waddo dagaal dhuumaaleysi ah, iyo in ay mar kale awood u hesho inay talada dalka la wareegto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tan labaad aysan hadda suurtagal ahayn, inkastoo dagaalka ka dhanka ah kooxda uu weli sii socon karo.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan macquul ahayn in Al-Shabaab ay dib u la wareegto talada Soomaaliya, isagoo caddeeyey in inkastoo dagaalku sii socon karo, aysan kooxdu dib ugu noqon karin heerkii ay horey uga gaartay.
Qodobada muhiimka ah
- Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan macquul ahayn in Al-Shabaab ay dib u la wareegto talada Soomaaliya.
- Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan hadda gacanta ku hayn magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Mareykanka uu sii wado taageerada Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Al-Shabaab ama xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Hadallada waxay ku saleysan yihiin sheegashooyinka madaxweynaha iyada oo aan la helin caddeyn dibadda ah.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan xaaladda milatari ee hadda jirta marka laga reebo faallooyinka madaxweynaha.
Gunaanadka akhristaha
Hadallada madaxweynaha waxay muujinayaan mowqif adag oo ka dhan ah soo laabashada Al-Shabaab, laakiin awoodda milatari ee kooxda ayaa weli ah arrin walaac leh.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin istaraatiijiyadaha gaarka ah ee la hirgelinayo si loo xakameeyo saameynta Al-Shabaab?
- Sidee ayey u shaqeeyeen howlgalada milatari ee Mareykanka ee lagu yareynayo awoodda Al-Shabaab?
- Maxay yihiin saameynta dagaalka socda ee dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay saameeyeen?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · dib · soomaaliya
Sii akhri
- Soomaaliya: Al-Shabaab ayaa heshiis la galay beesha Hawadle si loo soo afjaro dagaalka 4-sano
Somali Guardian
- Meydadka badmaaxyo Pakistani ah oo lagu dilay Soomaaliya ayaa dib loogu celiyay Pakistan
Hiiraanweyn
- Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Ereteriya oo Soo Saarey Bayaan Wadajir ah Kadib Kulankii La Tashiga
Hiiraanweyn