Mareykanka oo Abiy Ahmed gaarsiiyey digniin culus oo ku saabsan dagaalka Eritrea
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDowladda Mareykanka ayaa uga digtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wax kasta oo horseedi kara xad-gudub ama duullaan ka tallaaba xuduudaha, iyadoo ciidamada federaalka Itoobiya ay si xawli ah ugu siqayaan xadka Eritrea.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinXoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo khadka taleefanka kula hadlay Abiy Ahmed Arbacadii shalay, ayaa ku baaqay in dhinacyada oo dhan ay xaaladda dejiyaan, isagoo adkeeyay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay xurmeeyaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee deriskooda.
- Go’aan la gaaray4-tii October, hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Soomaaliya iyo Suudaan ayaa magaalada New Alamein ee dalka Masar ku ansixiyay bayaan wadajir ah oo lagu adkeeyay in maamulka iyo mas’uuliyadda Badda Cas ay gaar u yihiin dalalka xeebaha ku leh.
- War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Xoghayuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in gobolku uusan marnaba qaadi karin colaad hor leh.”
- Washington waxay labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea ku boorisay inay khilaafkooda ku xalliyaan miiska wada-hadalka, iyadoo tusaale u soo qaadatay heshiiskii nabadeed ee 2018-kii, kaas oo soo afjaray labaatan sano oo cadowtooyo iyo colaad ahayd.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Mareykanka u arko inay yihiin xad-gudub?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wax kasta oo horseedi kara xad-gudub ama duullaan ka tallaaba xuduudaha.
- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo khadka taleefanka kula hadlay Abiy Ahmed Arbacadii shalay, ayaa ku baaqay in dhinacyada oo dhan ay xaaladda dejiyaan.
- Washington waxay labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea ku boorisay inay khilaafkooda ku xalliyaan miiska wada-hadalka, iyadoo tusaale u soo qaadatay heshiiskii nabadeed ee 2018-kii.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wax kasta oo horseedi kara xad-gudub ama duullaan ka tallaaba xuduudaha, xilli ciidamada federaalka Itoobiya ay si xawli ah ugu siqayaan xadka Eritrea, arrintaas oo sare u qaadday cabsida laga qabo in dagaal cusub uu ka qarxo Geeska Afrika.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo khadka taleefanka kula hadlay Abiy Ahmed Arbacadii shalay, ayaa ku baaqay in dhinacyada oo dhan ay xaaladda dejiyaan, isagoo adkeeyay in dalalka gobolka looga baahan yahay inay xurmeeyaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee deriskooda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu yiri: “Xoghayuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in gobolku uusan marnaba qaadi karin colaad hor leh.”
Washington waxay labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea ku boorisay inay khilaafkooda ku xalliyaan miiska wada-hadalka, iyadoo tusaale u soo qaadatay heshiiskii nabadeed ee 2018-kii, kaas oo soo afjaray labaatan sano oo cadowtooyo iyo colaad ahayd.
Dhinaca kale, qoraalka uu Abiy Ahmed kaga hadlay wadahadalka labada mas’uul ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka labada dal. Abiy wuxuu wadahadalka ku tilmaamay mid “midho-dhal weyn leh,” isagoo soo dhoweeyay fursadaha iskaashi istiraatiijiyadeed oo dhex mara Addis Ababa iyo Washington.
“Waxaan soo dhoweynayaa xaqiijinta taageerada joogtada ah ee Mareykanka uu siiyo Itoobiya iyo ballan-qaadkeenna wadajirka ah ee lagu horumarinayo iskaashiga labada geesoodka ah iyo wax ka qabashada mudnaanta gobolka iyo arrimaha caalamiga ah,” ayuu Abiy ku daabacay bartiisa X.
Qoraalka Abiy kuma jirin wax xusid ah oo ku saabsan xaaladda Eritrea ama baaqii Mareykanka ee ahaa in xiisadda la qaboojiyo, halka bayaanka Mareykankuna uusan faahfaahin ka bixin nooca taageerada uu Abiy sheegay in loo xaqiijiyay.
Ciidamada Itoobiya oo gaaray xadka
Wadahadalladan diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmay xilli wararku sheegayaan in ciidamada federaalka Itoobiya ay gaareen magaalada muhiimka ah ee Zalambessa, oo ku taalla xadka Eritrea, horeyna ay u maamulayeen xoogagga Tigrayga.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay gaareen magaaladaas, iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyo ay ka mid yihiin dadka deegaanka, diblomaasiyiin iyo khubaro dhanka amniga ah.
Goobjoogayaal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamada Eritrea ay toddobaadkii hore gudaha u galeen Zalambessa si ay u taageeraan kooxaha mucaaradka ah, inkastoo aan la hubin inay weli ku sugan yihiin xilligii ay ciidamada Itoobiya halkaas tageen.
Tallaabadan ayaa timid kaddib guluf rogaal-celis ah oo ay qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo lagu qasbay dagaalyahannada TPLF inay isaga baxaan magaalooyin dhowr ah oo waqooyiga ku yaalla, oo ay ku jirto caasimadda gobolka ee Mekelle.
Dagaalka ayaa dib u qarxay 23-kii Sebtembar, kaddib weerar ay soo qaadeen isbahaysi mucaarad ah oo TPLF hoggaaminayso, taasoo khatar gelisay heshiiskii Pretoria ee 2022.
Dacwadda QM iyo xiriirka la jaray
Addis Ababa ayaa ku eedeysay Eritrea inay ciidamo gaaraya ilaa 60 kiilomitir (37 mayl) soo gelisay gudaha dhulkeeda, isla markaana ay taageerto kooxo hubeysan oo doonaya inay xukunka ka tuuraan xukuumadda Abiy Ahmed, eedeymahaas oo ay Asmara si adag u beenisay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos, oo warqad u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 9-kii bishan Oktoobar, ayaa sheegay in dalkiisu xaq u leeyahay inuu is-difaaco, isagoo Asmara ku eedeeyay gardarro iyo faragelin toos ah.
Eritrea ayaa gebi ahaanba diiday eedeymahaas, waxayna Golaha Ammaanka ka codsatay in tallaabo degdeg ah laga qaado Itoobiya, iyadoo ku eedeysay inay isu diyaarinayso weerar gardarro ah iyadoo marmarsiinyo ka dhiganaysa “is-difaac.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea, Cismaan Saalax, ayaa dalbaday in Itoobiya lagu dabaqo tallaabooyinka Qodobka 7-aad (Chapter VII) ee Axdiga QM, kaas oo awood u siinaya golaha inuu soo rogo cunaqabatayn iyo tallaabooyin ciidan.
Xiisaddan ayaa ka dambeysay burburkii xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal 1-dii October, markaas oo Eritrea ay xiriirka u jartay Itoobiya, kadib markii Addis Ababa ay dalkeeda ka eriday 10 diblomaasi oo Eritrean ah, isla markaana ay xirtay safaaraddeedii Asmara.
Khilaafka Badda Cas iyo xiriirkii burburay
Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale ku dhow inay isku dhacaan, inkastoo ay dhowr sano ka hor ahaayeen xulafo militari oo ka wada dagaallamayay waqooyiga Itoobiya.
Labada dal ayaa dagaal dhiig badan ku daatay dhexmaray intii u dhexeysay 1998 iyo 2000, ka hor inta aysan Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, heshiis nabadeed saxiixin 2018-kii. Heshiiskaas ayaa qeyb ka ahaa sababihii Abiy lagu guddoonsiiyay abaalmarinta Nobel Peace Prize sanadkii 2019.
Kadib heshiiska, labada dal ayaa iska kaashaday dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF ee socday intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
Hase yeeshee, xiriirkooda ayaa xumaaday kadib heshiiskii Pretoria, oo Eritrea aysan qeyb ka ahayn, waxaana khilaafka sii huriyay dadaallada Itoobiya ay ku dooneyso marin ay ku gaarto Badda Cas.
Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn markii Eritrea ay madax-bannaanideeda qaadatay 1993-kii, waxaana xilligaas ka baxay gacanteeda dekedo ay ka mid tahay Assab, oo hadda hoos timaadda madax-bannaanida Eritrea.
Abiy Ahmed ayaa marar badan ku tilmaamay helitaanka marin badeed arrin muhiim u ah horumarka dhaqaalaha Itoobiya, inkastoo uu ku adkeysto in dowladdiisu ay dooneyso xal nabadeed oo lagu gaaro wadahadal.
Balse Eritrea ayaa ku eedeysay Addis Ababa inay damacsan tahay inay xoog kula wareegto dhul xeebeedkeeda ka tirsan, taas oo dowladda Itoobiya ay beenisay.
Khilaafka ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli dalalka gobolka ay ku kala aragti duwan yihiin arrimaha madax-bannaanida, marin-badeedka iyo amniga Badda Cas.
4-tii October, hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Soomaaliya iyo Suudaan ayaa magaalada New Alamein ee dalka Masar ku ansixiyay bayaan wadajir ah oo lagu adkeeyay in maamulka iyo mas’uuliyadda Badda Cas ay gaar u yihiin dalalka xeebaha ku leh.
Soomaaliya ayaa markii dambe ku dhawaaqday inay dhexdhexaad ka tahay xiisadda Itoobiya iyo Eritrea, iyadoo ku adkeysatay inay dooneyso xiriir nabadeed oo ay la yeelato dhammaan dalalka ay arrintu khuseyso, inkastoo ay sii xoogeysanayaan xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ay la leedahay Qaahira iyo Asmara.
Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa xilli dagaalladu ay weli ka socdaan waqooyiga Itoobiya, isla markaana aysan muuqan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu guuleystay in lagu dejiyo xiisadda labada dal.
Xaaladda ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in colaadda gudaha Itoobiya ay isu beddesho dagaal toos ah oo dhex mara Itoobiya iyo Eritrea, kaas oo saameyn ballaaran ku yeelan kara amniga iyo xasilloonida guud ahaan Geeska Afrika.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wax kasta oo horseedi kara xad-gudub ama duullaan ka tallaaba xuduudaha, iyadoo ciidamada federaalka Itoobiya ay si xawli ah ugu siqayaan xadka Eritrea.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, wax kasta oo horseedi kara xad-gudub ama duullaan ka tallaaba xuduudaha.
- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, oo khadka taleefanka kula hadlay Abiy Ahmed Arbacadii shalay, ayaa ku baaqay in dhinacyada oo dhan ay xaaladda dejiyaan.
- Washington waxay labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea ku boorisay inay khilaafkooda ku xalliyaan miiska wada-hadalka, iyadoo tusaale u soo qaadatay heshiiskii nabadeed ee 2018-kii.
- Ciidamada Itoobiya oo gaaray xadka Wadahadalladan diblomaasiyadeed ayaa ku soo beegmay xilli wararku sheegayaan in ciidamada federaalka Itoobiya ay gaareen magaalada muhiimka ah ee Zalambessa, oo ku taalla xadka Eritrea.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan digniinta Mareykanka.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan nooca taageerada uu Abiy Ahmed sheegay in la xaqiijiyay.
Gunaanadka akhristaha
Mareykanka ayaa si firfircoon ula falgalaya Itoobiya si looga hortago kororka khilaafka la xiriira Eritrea.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee Mareykanka u arko inay yihiin xad-gudub?
- Sidee ayay dowladda Itoobiya uga jawaabi doontaa digniinta Mareykanka?
- Maxay yihiin cawaaqibka ka dhalanaya in ciidamada Itoobiya ay gaaraan Zalambessa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · abiy · mareykanka · ahmed
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Mareykanka oo Itoobiya iyo Eritrea Ugu Baaqay Ixtiraamka Madax-bannaanida Dalalka Gobolka
Goobjoog Somali
- Maamulka Trump oo wada qorshe dhalashada Mareykanka looga qaadayo Ilhaan Cumar
Caasimada Online
- Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea oo Sii Kordhaysa, Ciidamada Itoobiya oo ku Dhowaanaya Xuduudda
Goobjoog Somali