Maamulka Trump oo wada qorshe dhalashada Mareykanka looga qaadayo Ilhaan Cumar
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiMaamulka Trump ayaa la sheegay inuu baaritaan ku sameynayo xaaladda dhalashada Ilhaan Cumar, isagoo doonaya inuu dhiso dacwad loogu masaafurinayo.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinTrump ayaa marar badan su’aal geliyey taariikhda socdaalka Ilhaan, isagoo sidoo kale ku baaqay in laga saaro Mareykanka.
- Baaritaanka ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira in Ilhaan Cumar ama aabaheed oo geeriyooday ay macluumaad aan sax ahayn ku qoreen dukumentiyada socdaalka tobannaan sano ka hor, gaar ahaan da’deedii xilligii ay qaadaneysay dhalashada Mareykanka sanadkii 2000.
- Wargeyska The Wall Street Journal , oo soo xigtay saraakiil Mareykan ah iyo dad xog-ogaal u ah baaritaanka, ayaa sheegay in hay’adaha dowladda ay si gaar ah u baarayaan qaabkii Ilhaan ku heshay dhalashada Mareykanka, kaddib markii ay dalkaas qaxooti ahaan ku tagtay sanadkii 1995.
- Ilhaan Cumar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee ku saabsan arrimaha socdaalka iyo dhalashada ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa la xiriira shaqsiyaadka dadweynaha.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay caddeymaha gaarka ah ee loo adeegsanayo eedeymaha ka dhanka ah Ilhaan Cumar?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Maamulka Trump ayaa wada baaritaan uu doonayo inuu ku dhiso dacwad dhalashada Mareykanka looga qaadayo Ilhaan Cumar.
- Baaritaanka ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira in Ilhaan Cumar ama aabaheed oo geeriyooday ay macluumaad aan sax ahayn ku qoreen dukumentiyada socdaalka.
- Ilhaan Cumar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan uu doonayo inuu ku dhiso dacwad dhalashada Mareykanka looga qaadayo xildhibaan Ilhaan Cumar, si ugu dambeyn dalka looga masaafuriyo, sida uu Arbacadii shaaciyey wargeyska The Wall Street Journal.
Baaritaanka ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira in Ilhaan Cumar ama aabaheed oo geeriyooday ay macluumaad aan sax ahayn ku qoreen dukumentiyada socdaalka tobannaan sano ka hor, gaar ahaan da’deedii xilligii ay qaadaneysay dhalashada Mareykanka sanadkii 2000.
Wargeyska The Wall Street Journal , oo soo xigtay saraakiil Mareykan ah iyo dad xog-ogaal u ah baaritaanka, ayaa sheegay in hay’adaha dowladda ay si gaar ah u baarayaan qaabkii Ilhaan ku heshay dhalashada Mareykanka, kaddib markii ay dalkaas qaxooti ahaan ku tagtay sanadkii 1995.
Ilhaan Cumar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.
Ilaa hadda wax dacwad dambiyeed ah laguma soo oogin xildhibaannadda, sidoo kalena hay’adaha baaritaanka ma soo bandhigin caddeymo dadweyne oo muujinaya inay dembi gashay.
Warbixintan cusub ayaa timid laba maalmood kaddib markii ciidamada federaalka Mareykanka ay baaritaan ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar ay ku leedahay magaalada Washington, halkaas oo ay Isniintii galeen saraakiil ka tirsan waaxda baarista dambiyada ee Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (HSI).
Saraakiisha ayaa la wareegay taleefanka gacanta ee Ilhaan, halka dacwad-oogayaasha federaalka ay soo saareen in ka badan 12 amar oo dad loogu yeerayo inay caddeymo horgeeyaan guddi xeerbeegti ah oo ku sugan gobolka Minnesota.
Dadka amarradaasi lagu soo saaray waxaa ku jira xubno ka tirsan qoyska Ilhaan, sida ay sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press iyo wargeyska The New York Times.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in baaritaanka guriga uu ku dhacay amar maxkamadeed, isla markaana uu qeyb ka yahay baaritaan dambiyeed socda, balse waxay ka gaabsatay inay faahfaahin dheeraad ah bixiso.
Ilhaan Cumar ayaa tallaabadaas ku tilmaantay awood ku takrifal, iyadoo sheegtay in maamulka Trump uu hay’adaha dowladda u adeegsanayo cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
“Muddo toban sano ah, Trump wuxuu igu beegsanayey been aan sal lahayn iyo ololeyaal sumcad-dil ah,” ayay ku tiri qoraal ay ku baahisay barta X.
“Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee uu ku sii xoojinayo ololihiisa cabsi-gelinta siyaasadeed. La i aamusiin maayo,” ayay raacisay.
Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa isna cambaareeyey howlgalka, isagoo sheegay in uusan jirin madaxweyne xaq u leh inuu awoodda dowladda federaalka u adeegsado cabsi-gelinta dadka siyaasadda ku mucaaradsan.
Garsoore xaddiday baaritaanka
Dhanka kale, baaritaanka ayaa wajahaya caqabado dhanka sharciga ah, kaddib markii garsoore federaal ah uu xaddidaad ku soo rogay dukumentiyada ay dacwad-oogayaashu baari karaan.
Garsoore Matthew Sharbaugh ayaa Wasaaradda Caddaaladda ku amray inay dejiso hannaan lagu kala saarayo dokumentiyada laga soo qaaday guriga Ilhaan, si loo ilaaliyo xogta la xiriirta shaqadeeda sharci-dejinta ee uu dastuurku dhowrayo.
Sida ay CNN Arbacadii werisay, garsooraha ayaa shuruudahan soo rogay ka hor inta uusan oggolaan amarkii lagu baaray guriga xildhibaannadda, kaddib wadahadallo dhowr maalmood socday oo dhexmaray isaga iyo dacwad-oogayaasha.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa dooneysay inay hesho awood ballaaran oo ay ku baarto dokumentiyada guriga yaallay, balse garsooraha ayaa ku adkeystay in marka hore la ilaaliyo xogta uu dastuurku ka dhowrayo baaritaanka hay’adaha fulinta.
Arrintan ayaa salka ku haysa qodobka dastuurka Mareykanka ee loo yaqaan Speech or Debate Clause, kaas oo xubnaha Kongareeska ka ilaaliya in hay’adaha fulintu farageliyaan ama baaritaan ku sameeyaan howlaha sharci-dejinta ee ay si rasmi ah u qabtaan.
Baarayaasha ayaa si gaar ah u eegaya in Ilhaan ama aabaheed, Nuur Cumar Maxamed, ay da’deeda si khaldan ugu sheegeen dokumentiyada socdaalka, taas oo saameyn ku yeelan kartay xaqii ay u lahayd inay dhalashada Mareykanka ku hesho muwaadinnimada aabaheed.
Ilhaan ayaa sheegtay in qoyskeedu ka qaxay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, muddo ay ku noolaayeen xero qaxooti oo ku taalla Kenya, ka hor inta aysan Mareykanka tegin sanadkii 1995.
Waxay sidoo kale sheegtay inay dhalashada Mareykanka qaadatay sanadkii 2000, xilligaas oo ay jirtay 17 sano.
CNN ayaa intaas ku dartay in baarayaashu ay sidoo kale eegayaan xog ku qoran dukumentiyo ay dowladda u gudbisay sanadihii dambe, iyo in eedeymahaasi saldhig u noqon karaan dacwad ballaaran oo la xiriirta falal la tuhunsan yahay inay dad kale ku lug lahaayeen.
Baaritaanno hore oo lagu sameeyey taariikhda socdaalka Ilhaan, xilligii madaxweyne Joe Biden, ma aysan horseedin wax dacwad ah. Hase yeeshee, maamulka Trump ayaa dib u furay kiiska sanadkii tegay, sida ay CNN sheegtay.
Dhalashada ma laga qaadi karaa?
Inkasta oo maamulka Trump uu baarayo suurtagalnimada in Ilhaan laga qaado dhalashada Mareykanka, haddana sharciga dalkaasi wuxuu dhigayaa shuruudo adag oo ay tahay in dowladda buuxiso.
Haddii dowladda ay dacwad madani ah ku dalbato in qof laga noqdo dhalashada, waa inay maxkamadda hor keentaa caddeymo cad oo lagu qanci karo, kuwaas oo muujinaya in dhalashada lagu helay si sharci-darro ah, iyadoo la qariyey xaqiiqooyin muhiim ah ama si ula kac ah loo gudbiyey macluumaad been ah.
Xitaa haddii maxkamad ay go’aamiso in Ilhaan laga qaado dhalashada, taasi si toos ah uma horseedeyso masaafurin, waxaana loo baahan doonaa tallaabooyin sharci oo dheeraad ah.
Baaritaankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu muddo dheer khilaaf siyaasadeed oo xooggan ka dhex jiray Trump iyo Ilhaan Cumar, oo ka tirsan garabka horusocodka ah ee Xisbiga Dimuqraadiga.
Trump ayaa marar badan su’aal geliyey taariikhda socdaalka Ilhaan, isagoo sidoo kale ku baaqay in laga saaro Mareykanka.
Madaxweynaha oo Isniintii la hadlay weriyeyaasha ayaa beeniyey inuu amar ku bixiyey baaritaanka gurigeeda , balse mar kale weerar afka ah ku qaaday.
“Anigu mar walba waxaan u arkayey inay tahay qof gebi ahaanba musuqmaasuq badan. Laakiin arrintaasi wax shaqo ah kuma lihi,” ayuu yiri Trump.
Wasiirka Amniga Gudaha Mareykanka, Markwayne Mullin, ayaa isaguna bishii September sheegay in Ilhaan dalka laga masaafurin karo haddii la caddeeyo inaysan markii hore xaq u lahayn inay Mareykanka joogto.
“Haddii aan caddeyn karno in markii horeba aadan xaq u lahayn inaad halkan joogto, waan ku masaafurin doonnaa,” ayuu yiri Mullin.
Xiisaddan ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa xilli Mareykanku isu diyaarinayo doorashooyinka dhexe ee Kongareeska, oo dhacaya 3-da November, kuwaas oo Ilhaan ay ku dooneyso inay markii shanaad kursigeeda ku difaacato.
Hoggaanka Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si adag u cambaareeyey baaritaanka gurigeeda, gaar ahaan xilliga uu dhacay oo ay doorashada ka harsaneyd saddex toddobaad oo keliya.
Hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiga ee Golaha Wakiillada, Hakeem Jeffries, Katherine Clark iyo Pete Aguilar, ayaa howlgalka ku tilmaamay mid walaac weyn dhaliyey, iyagoo su’aal geliyey in maamulka Trump uu hay’adaha fulinta sharciga u adeegsanayo la dagaallanka siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa muddo dheer ku dhaqmeysay nidaam looga fogaanayo tallaabooyinka baaritaan ee si muuqata u saameyn kara musharraxiinta 60-ka maalmood ee ka horreeya doorashooyinka, inkastoo nidaamkaasi uusan ahayn mamnuucid sharci oo aan laga leexan karin.
Ilhaan Cumar, oo matasha magaalada Minneapolis iyo deegaannada ku xeeran, ayaa sanadkii 2018 noqotay qaxootigii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee loo doorto Kongareeska Mareykanka, iyadoo sidoo kale ka mid noqotay labadii haween ee Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyey ee Golaha Wakiillada loo doorto.
Ilaa hadda, dowladda Mareykanka ma aysan shaacin dacwad dambiyeed ka dhan ah Ilhaan, mana aysan billaabin dacwad rasmi ah oo maxkamad looga dalbanayo in dhalashada laga qaado.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maamulka Trump ayaa la sheegay inuu baaritaan ku sameynayo xaaladda dhalashada Ilhaan Cumar, isagoo doonaya inuu dhiso dacwad loogu masaafurinayo. Baaritaankan ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira macluumaad been ah oo lagu bixiyay dukumentiyada socdaalka.
Qodobada muhiimka ah
- Maamulka Trump ayaa wada baaritaan uu doonayo inuu ku dhiso dacwad dhalashada Mareykanka looga qaadayo Ilhaan Cumar.
- Baaritaanka ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira in Ilhaan Cumar ama aabaheed oo geeriyooday ay macluumaad aan sax ahayn ku qoreen dukumentiyada socdaalka.
- Ilhaan Cumar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.
- Ilaa hadda wax dacwad dambiyeed ah laguma soo oogin xildhibaannadda, sidoo kalena hay’adaha baaritaanka ma soo bandhigin caddeymo dadweyne oo muujinaya inay dembi gashay.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay eedeymo ka yimid The Wall Street Journal iyo mas'uuliyiin aan la magacaabin.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira Ilhaan Cumar.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha maamulka Trump ee ku saabsan eedeymahan.
Gunaanadka akhristaha
Baaritaanka ku saabsan dhalashada Ilhaan Cumar ayaa socda, iyadoo ay jiraan saameyn siyaasadeed oo weyn.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay caddeymaha gaarka ah ee loo adeegsanayo eedeymaha ka dhanka ah Ilhaan Cumar?
- Sidee ayay caqabadaha sharciga ah u saameyn doonaan baaritaanka socda?
- Waa maxay saamaynta suurtagalka ah ee arrintan ku yeelan karto xirfadda siyaasadeed ee Ilhaan Cumar?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha siyaasadeed ee socda ee ku saabsan arrimaha socdaalka iyo dhalashada ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa la xiriira shaqsiyaadka dadweynaha. Waxay su'aalo ka keenaysaa isticmaalka awoodda dowladda ee khilaafaadka siyaasadeed.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · maamulka · mareykanka · dhalashada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Mareykanka oo Itoobiya iyo Eritrea Ugu Baaqay Ixtiraamka Madax-bannaanida Dalalka Gobolka
Goobjoog Somali
- Mareykanka oo Abiy Ahmed gaarsiiyey digniin culus oo ku saabsan dagaalka Eritrea
Caasimada Online
- 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚-𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐋𝐚-𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐅𝐢𝐤𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐚𝐠𝐣𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡
Goobjoog Somali