Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediaeconomy

Mareykanka oo Agab Milatari oo Mallaayuun Dollar ku Kacaya ugu Deeqay Dalka Niger

Niamey – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay ciidamada qalabka sida ee Niger ugu deeqday sagaal konteenar oo qalab milatari ah, kuwaas oo lagu qiimeeyay ku dhowaad 2.3 milyan oo dollar, si loogu taageero howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada iyo shabakadaha dambiyada. Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Niamey, deeqdan […]

SO
Mareykanka oo Agab Milatari oo Mallaayuun Dollar ku Kacaya ugu Deeqay Dalka Niger
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Niamey – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay ciidamada qalabka sida ee Niger ugu deeqday sagaal konteenar oo qalab milatari ah, kuwaas oo lagu qiimeeyay ku dhowaad 2.3 milyan oo dollar, si loogu taageero howlgalada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada iyo shabakadaha dambiyada.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Niamey, deeqdan oo la gaarsiiyay Niger 26-kii May ayaa isugu jirta dareys ciidan, qalab ilaalin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay ciidamada amniga dalkaasi.

Mareykanka ayaa sheegay in deeqdani ay muujinayso sida ay uga go’an tahay sii wadista iskaashiga amniga ee gobolka Saaxil, inkasta oo sanadihii dambe ay isbeddeleen xiriirradii kala dhexeeyay qaar ka mid ah dowladaha gobolka.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa mudnaan siinaya iskaashiga amniga, xilli ay sii kordhayaan weerarrada kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo ururrada kale ee xagjirka ah ee ka howlgala Galbeedka Afrika.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliaeconomyeconomydollarniger
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.