Mareykanka oo ciidamada Kurdiyiinta ka joojinaayo gargaarka milatari ee uu siiyo.
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiSabti, 29, August 2026 {HMC} Maamulka Donald Trump ayaa isku diyaarinayo inuu joojiyo gargaarka milatari ee uu siiyo ciidamada Peshmerga, oo ah saaxibkooda ugu weyn Bariga Dhexe isla markaana gacan ka geysanayay sidii loo jabin lahaa Dawladda Islaamiga ah (IS).
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday wadahadallo ay dhawaan la yeelatay hoggaamiyeyaasha Ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq inaysan qorsheyneynin inay cusbooneysiiyaan heshiiska gargaarka ay siiyaan ciidamada amniga Kurdishka (Peshmerga).
- Heshiiskan ayaa waqtigiisu uu dhawaan dhamaan doonaa .
- BBC-du waxay la hadashay laba mas’uul oo ku lug lahaa iyo laba il oo kale oo si toos ah ula socday wadahadallada qarsoodiga ah.
- Ilo-wareedyadan ayaa codsaday inaan la magacaabin sababtoo ah wadahadallada si rasmi ah horey looguma shaacin.
Sida ay sheegtay Hiiraanweyn

Qodobbada warbixinta
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Sabti, 29, August 2026 {HMC} Maamulka Donald Trump ayaa isku diyaarinayo inuu joojiyo gargaarka milatari ee uu siiyo ciidamada Peshmerga, oo ah saaxibkooda ugu weyn Bariga Dhexe isla markaana gacan ka geysanayay sidii loo jabin lahaa Dawladda Islaamiga ah (IS). Sdia ay BBcda u sheegeen afar ilo wareed oo ku dhow arrintan.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday wadahadallo ay dhawaan la yeelatay hoggaamiyeyaasha Ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq inaysan qorsheyneynin inay cusbooneysiiyaan heshiiska gargaarka ay siiyaan ciidamada amniga Kurdishka (Peshmerga).
Heshiiskan ayaa waqtigiisu uu dhawaan dhamaan doonaa .
BBC-du waxay la hadashay laba mas’uul oo ku lug lahaa iyo laba il oo kale oo si toos ah ula socday wadahadallada qarsoodiga ah.
Ilo-wareedyadan ayaa codsaday inaan la magacaabin sababtoo ah wadahadallada si rasmi ah horey looguma shaacin.
Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta ayaa ka cabsi qaba in dhimista gargaarka ay abuuri doonto marnaan awoodeed oo gobolka ah isla markaana ay dhiiri gelin doonto Iiraan.
Tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu dagaal la galay Tehran, Iiraan waxay boqolaal gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku ridaysay Kurdistan-ta Ciraaq.
Dadka falanqeeya ayaa sheegaya in joojinta gargaarka milatari ee la siinayo ciidamada Peshmerga ay wiiqayso iskaashiga muddada dheer lala lahaa Mareykanka, isla markaana ay dirayso farriin ah in Mareykanka aan lagu kalsoonaan karin inuu caawiyo xulafadiisa.
The post Mareykanka oo ciidamada Kurdiyiinta ka joojinaayo gargaarka milatari ee uu siiyo. appeared first on HMC Somalia News .
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · diplomacy · diplomacy · ciidamada · siiyo