Mareykanka oo dib u cusbooneysiiyay $5 milyan oo abaalmarin ah oo lagu raadinayo Khadra Ciise
WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa mar kale shaacisay abaalmarin lacageed oo gaareysa $5 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta in la helo Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, taas oo Mareykanku ku tilmaamay inay ka tirsan tahay hoggaanka kooxda…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
WASHINGTON — Dowladda Mareykanka ayaa mar kale shaacisay abaalmarin lacageed oo gaareysa $5 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta in la helo Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, taas oo Mareykanku ku tilmaamay inay ka tirsan tahay hoggaanka kooxda Daacish (ISIS).
Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Khadra Ciise ay ku dhalatay Soomaaliya, balse ay tahay muwaadinad u dhalatay Netherlands. Sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, waxay sannadkii 2014 u safartay Suuriya si ay ugu biirto Daacish.
Mareykanka ayaa sheegay in Khadra lagu tababaray adeegsiga hubka iyo walxaha qarxa, iyo sidoo kale hawlgallada ismiidaaminta. Washington waxay sidoo kale ku eedeysay inay taageertay adeegsiga rabshadaha isla markaana ay dhiirrigelisay xubno kale oo Daacish ka tirsan inay weerarro ka fuliyaan dalal kala duwan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Khadra ay dadka ku bari jirtay fikirka xagjirka ah ee Daacish, kaas oo kooxda ay u adeegsan jirtay marmarsiiyo ay ku fuliso weerarro ismiidaamin ah iyo dilka dadka rayidka ah. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay ka qeyb qaadatay qorista xubno cusub oo kooxda ku biira.
Khadra Ciise ayaa sidoo kale lagu tilmaamay inay madax ka ahayd Nusaybah Katibah, oo loo yaqaan ISIS-NK, oo ah guuto ay haween keliya ka tirsan yihiin, laguna dhisay magaalada Raqqah ee Suuriya sannadkii 2016.
Sida ay sheegtay dowladda Mareykanka, guutadaasi waxay haweenka u qori jirtay, abaabuli jirtay, isla markaana ku tababari jirtay xirfadaha dagaalka iyo hawlgallada milatari. Xilligii ay ugu xoogga badneyd, waxay lahayd boqolaal xubnood oo tababaran, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin Mareykan ah iyo kuwo ka yimid dalal Yurub ah.
Mareykanka ayaa sheegay in Khadra ay door ku lahayd faafinta iyo dhaqan-gelinta aragtida Daacish, xilli kooxdaasi ay gacanta ku haysay dhul ballaaran oo ka tirsan Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya.
Barnaamijka Rewards for Justice ayaa ugu baaqay dadka haysta xog ku saabsan halka ay ku sugan tahay Khadra Ciise inay la wadaagaan dowladda Mareykanka, iyadoo abaalmarinta la sheegay inay gaareyso $5 milyan.
Dowladda Mareykanka ayaa muddo dheer adeegsanaysay barnaamijkan si ay abaalmarinno lacageed ugu bixiso xog horseedi karta in la helo ama la carqaladeeyo shabakado iyo shaqsiyaad lala xiriiriyo argagixisada.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciise · khadra · mareykanka
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Mareykanka oo $5 Milyan Abaalmarin ah Dul Dhigay Xogta Haweeney Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay inay ka tirsantahay Daacish
Goobjoog Somali
- Dowladda Mareykanka oo mar kale duldhigay $5 milyan oo Doollar xogta haweeney Soomaali ah.
Hiiraanweyn
- Mareykanka oo dabciyey mowqif caqabad ku ahaa DF
Caasimada Online