Mareykanka oo shaaciyey in Xuutiyiinta ay soo gaareen Waqooyiga Somalia + Qorshaha
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiTaliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay doonayso inay hawlgalladeeda ku ballaariso Soomaaliya, taas oo khatar cusub ku noqon karta maraakiibta iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sida uu maanta oo Jimce ah qoray wargeyska militariga Mareykanka ee Stars and Stripes, taliska AFRICOM ayaa sheegay in dagaalyahanno ama wakiillo ka tirsan Xuutiyiinta ay suuragal tahay inay durba ku sugan yihiin waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay xiriir la leeyihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.
- Taliska ayaa ka cabsi qaba in Al-Shabaab ay Xuutiyiinta siiso gabaad iyo dhul ay ka hawlgalaan, taas oo u sahli karta kooxda Yemen inay ballaariso awooddeeda militari ee ka baxsan dalkeeda.
- Arrintan ayaa walaac gaar ah ku abuurtay Mareykanka, maadaama ay suuragal ka dhigi karto in maraakiibta ganacsiga ee maraya Gacanka Cadmeed laga soo weeraro labada dhinac ee gacanka, halkii ay khatartu markii hore inta badan kaga imaan jirtay xeebaha Yemen.
- Gacanka Cadmeed ayaa ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamka, wuxuuna isku xiraa Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, iyada oo maraakiib badan ay halkaas u maraan dhinaca Kanaalka Suweys.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa caqabado amni oo cusub oo suurtagal ah oo wajahaya ciidamada Mareykanka iyo hawlgallada maraakiibta ee Gacanka Cadmeed sababo la xiriira ballaarinta hawlgallada Xuutiyiinta.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Mareykanka uu qaadi doono si uu uga jawaabo khatartan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay doonayso inay hawlgalladeeda ku ballaariso Soomaaliya.
- Taliska AFRICOM ayaa ka cabsi qaba in Al-Shabaab ay Xuutiyiinta siiso gabaad iyo dhul ay ka hawlgalaan.
- Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo si qarsoodi ah ula hadlay Stars and Stripes ayaa sheegay in iskaashiga labada kooxood uu kordhinayo khatarta ku wajahan ciidamada Mareykanka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay doonayso inay hawlgalladeeda ku ballaariso Soomaaliya, tallaabadaas oo abuuri karta khatar cusub oo ku wajahan maraakiibta isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Sida uu maanta oo Jimce ah qoray wargeyska militariga Mareykanka ee Stars and Stripes, taliska AFRICOM ayaa sheegay in dagaalyahanno ama wakiillo ka tirsan Xuutiyiinta ay suuragal tahay inay durba ku sugan yihiin waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay xiriir la leeyihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Taliska ayaa ka cabsi qaba in Al-Shabaab ay Xuutiyiinta siiso gabaad iyo dhul ay ka hawlgalaan, taas oo u sahli karta kooxda Yemen inay ballaariso awooddeeda militari ee ka baxsan dalkeeda.
Arrintan ayaa walaac gaar ah ku abuurtay Mareykanka, maadaama ay suuragal ka dhigi karto in maraakiibta ganacsiga ee maraya Gacanka Cadmeed laga soo weeraro labada dhinac ee gacanka, halkii ay khatartu markii hore inta badan kaga imaan jirtay xeebaha Yemen.
Gacanka Cadmeed ayaa ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamka, wuxuuna isku xiraa Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, iyada oo maraakiib badan ay halkaas u maraan dhinaca Kanaalka Suweys.
Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo si qarsoodi ah ula hadlay Stars and Stripes ayaa sheegay in iskaashiga labada kooxood uu kordhinayo khatarta ku wajahan ciidamada Mareykanka.
“Xiriirkani wuxuu sare u qaadayaa awoodda Al-Shabaab ee ay ku halis gelin karto ciidamada Mareykanka ee gobolka iyo danaha Mareykanka ee Bariga Afrika,” ayuu yiri sarkaalka.
Wuxuu intaas ku daray in Xuutiyiintu ay Al-Shabaab siin karaan hub casri ah, tababaro militari iyo aqoon farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo loo adeegsan karo weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka.
Walaacaas ayaa si gaar ah u taabanaya saldhigga Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti, oo ah xarunta ugu weyn ee Mareykanku ka maamulo hawlgalladiisa militari ee Bariga Afrika.
Xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta
Digniinta cusub ee AFRICOM ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan xogaha muujinaya iskaashi militari oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, inkastoo labada kooxood ay ku kala duwan yihiin caqiidada iyo ujeeddooyinka siyaasadeed.
Warbixin ay khubaro Qaramada Midoobay soo saareen sanadkii 2025 ayaa lagu sheegay in xiriirka labada dhinac uu ka gudbay ganacsiga hubka, isla markaana uu gaaray tababaro militari iyo isdhaafsi aqoon farsamo.
Khubaradu waxay heleen xog ku saabsan laba injineer oo militari oo ka tirsan Xuutiyiinta, kuwaas oo la sheegay inay tageen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay xubno Al-Shabaab ah ku bareen samaynta walxaha qarxa, farsamada diyaaradaha drone-ka iyo dayactirka hubka.
Sidoo kale, warbixin ay hay’adda Century International soo saartay bishii Agoosto ee sanadkan ayaa lagu sheegay in inta u dhexeysa 120 iyo dhowr boqol oo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay tababaro militari ku qaateen Yemen.
Hase yeeshee, warbixintaasi waxay xustay in aan weli la xaqiijin in Xuutiyiintu ay Al-Shabaab ku wareejiyeen hubkooda ugu casrisan, oo ay ku jiraan diyaaradaha weerarrada fog fulin kara iyo nidaamyada difaaca cirka.
Diyaarado laga saaray Soomaaliya
Digniinta AFRICOM ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka wareejineyso Soomaaliya, si loogu adeegsado hawlgallo cusub oo ka socda Koonfurta Ameerika.
Wargeyska The New York Times ayaa toddobaadkan sheegay in Mareykanku uu tiro aan la shaacin oo diyaaradahaas ah u wareejiyay Colombia iyo Ecuador, si loogu adeegsado hawlgallada ka dhanka ah kooxaha ka ganacsada daroogada.
Diyaaradaha MQ-9 Reaper ayaa door muhiim ah ka ciyaara hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya, iyaga oo loo adeegsado sirdoonka, la socodka dhaqdhaqaaqyada kooxaha hubeysan iyo duqeymaha cirka.
Wareejintooda ayaa dhalisay walaac ku saabsan awoodda AFRICOM ee la socodka Al-Shabaab, xilli talisku uu sidoo kale wajahayo khatarta cusub ee suuragalka ah ee Xuutiyiinta.
Arrintaas waxaa sii adkeeyay khasaaraha diyaaradeed ee Mareykanka kasoo gaaray dagaalka Iran ee billowday dabayaaqadii bishii Febraayo. Warbixin ay diyaarisay hay’adda cilmi-baarista Congress-ka Mareykanka ayaa sheegtay in ugu yaraan 45 diyaaradood oo MQ-9 Reaper ah lagu waayay hawlgallada dagaalkaas.
AFRICOM ayaa Jimcihii sheegtay in sababo la xiriira amniga hawlgallada aysan shaacin goobaha ay diyaaradaha militari ku sugan yihiin iyo qorshayaasha mustaqbalka ee la xiriira meelayntooda.
Dhanka kale, taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley, ayaa sanadkii hore Congress-ka Mareykanka u sheegay in Xuutiyiintu ay awood u leeyihiin inay weeraraan saldhigyada Mareykanka ee Jabuuti, haddii ay go’aansadaan inay sii ballaariyaan dagaalka ay kula jiraan Washington.
Inkastoo AFRICOM ay hadda muujisay walaac ku saabsan isku xirnaanta labada kooxood, haddana weli ma cadda baaxadda joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya iyo heerka ay gaarsiisan tahay awoodda ay halkaas ka dhisan karaan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay doonayso inay hawlgalladeeda ku ballaariso Soomaaliya, taas oo khatar cusub ku noqon karta maraakiibta iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Qodobada muhiimka ah
- Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ka digay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay doonayso inay hawlgalladeeda ku ballaariso Soomaaliya.
- Taliska AFRICOM ayaa ka cabsi qaba in Al-Shabaab ay Xuutiyiinta siiso gabaad iyo dhul ay ka hawlgalaan.
- Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo si qarsoodi ah ula hadlay Stars and Stripes ayaa sheegay in iskaashiga labada kooxood uu kordhinayo khatarta ku wajahan ciidamada Mareykanka.
- Warbixin ay hay’adda Century International soo saartay bishii Agoosto ee sanadkan ayaa lagu sheegay in inta u dhexeysa 120 iyo dhowr boqol oo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay tababaro militari ku qaateen Yemen.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay AFRICOM iyo mas'uuliyiin aan la magacaabin.
- Ma jiro xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada ku saabsan joogitaanka Xuutiyiinta ee Soomaaliya.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid kooxda Xuutiyiinta ama Al-Shabaab.
Gunaanadka akhristaha
Mareykanka ayaa ka walaacsan saamaynta hawlgallada Xuutiyiinta ee Soomaaliya ku yeelan karto xasiloonida iyo amniga gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee Mareykanka uu qaadi doono si uu uga jawaabo khatartan?
- Sidee ayey iskaashiga suurtagalka ah ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab u saameyn doontaa amniga gobolka?
- Waa maxay cadeymaha taageeraya sheegashada ku saabsan hawlgallada Xuutiyiinta ee waqooyiga Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa caqabado amni oo cusub oo suurtagal ah oo wajahaya ciidamada Mareykanka iyo hawlgallada maraakiibta ee Gacanka Cadmeed sababo la xiriira ballaarinta hawlgallada Xuutiyiinta.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mareykanka · xuutiyiinta · somalia