Masar oo Dalkeeda ka eriday la-taliyaha Safaaradda Itoobiya kadib markii Addis Ababa ay Tillaabo taas lamid ah qaaday
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiMasar ayaa dalkeeda ka eriday diblomaasi Itoobiyaan ah kadib markii Itoobiya ku dhawaaqday diblomaasi Masri ah inuu yahay persona non grata oo la siiyay 48 saacadood inuu dalka ka baxo.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War ka soo baxay Qaahira ayaa lagu sheegaya in Masar ay diblomaasiga Itoobiyaanka ah, oo ah la-taliye ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Qaahira , ku dhawaaqday inuu yahay qof aan dalka looga baahnayn, iyadoo loo qabtay muddo 48 saacadood ah inuu dalka uga baxo.
- Tallaabadan ayaa timid wax yar kadib go’aankii Addis Ababa ay ka qaadatay diblomaasi Masri ah, ayadoo maalintii Khamiista, 1-da Oktoobar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay si rasmi ah safaaradda Masar ee Addis Ababa ugu wargelisay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman , oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadda Masar, lagu dhawaaqay persona non grata oo looga baahan yahay inuu Itoobiya ka baxo 48 saacadood gudahood.
- Itoobiya waxay sheegtay in go’aanka lagu qaaday iyadoo la raacayo Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, balse warbixinta rasmiga ah ma aysan faahfaahin sababta gaarka ah ee diblomaasiga loo eryay, inkastoo xiisadda labada dhinac ay salka ku hayso dagaalka waqooyiga Itoobiya oo dalal ay masar kamid tahay ay Addis ababa ku eedaysay inay kaalin ku leeyihiin.
- Masar ayaa tallaabada Itoobiya u aragtay mid aan loo baahnayn, iyadoo ilo xog-ogaal ah oo Masri ah ay sheegeen in Qaahira ay si joogto ah u diiddo faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale, ayna sheegtay inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sababaha gaarka ah ee Itoobiya ay u bixisay ku dhawaaqista diblomaasiga Masri ah persona non grata?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Masar ayaa dalkeeda ka eriday diblomaasi Itoobiyaan ah, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay jawaab-celin kadib markii Itoobiya ku dhawaaqday diblomaasi Masri ah inuu yahay persona non grata.
- Itoobiya waxay sheegtay in go’aanka lagu qaaday iyadoo la raacayo Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.
- Masar ayaa tallaabada Itoobiya u aragtay mid aan loo baahnayn, iyadoo ilo xog-ogaal ah oo Masri ah ay sheegeen in Qaahira ay si joogto ah u diiddo faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Masar ayaa dalkeeda ka eriday diblomaasi Itoobiyaan ah, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay jawaab-celin kadib markii Itoobiya saacado ka hor ay diblomaasi Masri ah ku dhawaaqday inuu yahay persona non grata , isla markaana siisay 48 saacadood inuu dalka uga baxo.
War ka soo baxay Qaahira ayaa lagu sheegaya in Masar ay diblomaasiga Itoobiyaanka ah, oo ah la-taliye ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Qaahira , ku dhawaaqday inuu yahay qof aan dalka looga baahnayn, iyadoo loo qabtay muddo 48 saacadood ah inuu dalka uga baxo.
Tallaabadan ayaa timid wax yar kadib go’aankii Addis Ababa ay ka qaadatay diblomaasi Masri ah, ayadoo maalintii Khamiista, 1-da Oktoobar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay si rasmi ah safaaradda Masar ee Addis Ababa ugu wargelisay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman , oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadda Masar, lagu dhawaaqay persona non grata oo looga baahan yahay inuu Itoobiya ka baxo 48 saacadood gudahood.
Itoobiya waxay sheegtay in go’aanka lagu qaaday iyadoo la raacayo Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, balse warbixinta rasmiga ah ma aysan faahfaahin sababta gaarka ah ee diblomaasiga loo eryay, inkastoo xiisadda labada dhinac ay salka ku hayso dagaalka waqooyiga Itoobiya oo dalal ay masar kamid tahay ay Addis ababa ku eedaysay inay kaalin ku leeyihiin.
Masar ayaa tallaabada Itoobiya u aragtay mid aan loo baahnayn, iyadoo ilo xog-ogaal ah oo Masri ah ay sheegeen in Qaahira ay si joogto ah u diiddo faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale, ayna sheegtay inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Is-weydaarsiga diblomaasiyiinta la eryayo wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka dhex jira Itoobiya, Masar iyo Eritrea. Isla maalintii ay Itoobiya eriday diblomaasiga Masriga ah, Addis Ababa waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla Asmara, iyadoo dalka ka eriday 10 diblomaasi Eritrean ah oo ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen hawlo ay Itoobiya ku tilmaantay khatar toos ah oo ku wajahan amniga qarankeeda.
Eritrea ayaa ayaduna markii dambe ku dhawaaqday inay jareyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Itoobiya, ayadoo tallaabooyinka is-daba-joogga ah ee Addis Ababa iyo Qaahira ay muujinayaan in xiriirka labada dal uu galay marxalad xasaasi ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Masar ayaa dalkeeda ka eriday diblomaasi Itoobiyaan ah kadib markii Itoobiya ku dhawaaqday diblomaasi Masri ah inuu yahay persona non grata oo la siiyay 48 saacadood inuu dalka ka baxo.
Qodobada muhiimka ah
- Masar ayaa dalkeeda ka eriday diblomaasi Itoobiyaan ah, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay jawaab-celin kadib markii Itoobiya ku dhawaaqday diblomaasi Masri ah inuu yahay persona non grata.
- Itoobiya waxay sheegtay in go’aanka lagu qaaday iyadoo la raacayo Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.
- Masar ayaa tallaabada Itoobiya u aragtay mid aan loo baahnayn, iyadoo ilo xog-ogaal ah oo Masri ah ay sheegeen in Qaahira ay si joogto ah u diiddo faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale.
- Addis Ababa waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla Asmara, iyadoo dalka ka eriday 10 diblomaasi Eritrean ah.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Itoobiya oo ku saabsan tallaabooyinka Masar.
- Maqaalku ma caddeynayo sababaha gaarka ah ee diblomaasiga la eryay.
Gunaanadka akhristaha
Xiisadaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa sii kordhaya, iyadoo labada dal ay is-weydaarsanayaan diblomaasiyiin la eryay.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin sababaha gaarka ah ee Itoobiya ay u bixisay ku dhawaaqista diblomaasiga Masri ah persona non grata?
- Sidee ayey xiisadaha diblomaasiyadeed u saameyn doonaan xiriirka u dhexeeya Masar, Itoobiya, iyo Eritrea?
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka xiga ee ay midkoodna qaadi karto si ay uga jawaabaan eryidda diblomaasiyadan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eriday · itoobiya · markii
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada