Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo kulan la qaatay beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose. Beeraleyda ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay cabashooyin la xir
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose.
Beeraleyda ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay cabashooyin la xiriira dhibaatooyinka ay Khawaarijta Al-Shabaab ku hayaan deegaannadooda, iyo sidoo kale waxyeellooyin ay sheegeen inay ka soo gaareen qaar ka mid ah howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolka ka dhacay.
Masuuliyiinta ayaa dhegeystay cabashooyinka beeraleyda, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah, hantidooda iyo wax-soo-saarka beeraha inta ay socdaan howlgallada amniga.
Masuuliyiintu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in cabashooyinka beeraleyda la diiwaangelin doono, lana gaarsiin doono hay’adaha ay khuseyso, si loo baaro loogana qaado tallaabooyinka ku habboon.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.