Maxay Soomaaliya ka baraneysa tallaabada Congo ee xilliga dagaalka?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMaqaalku wuxuu sheegayaa in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ugu yaraan 66 askari ku xukuntay dil toogasho ah sababo la xiriira fulaynimo iyo ka baxsashada jiidda hore ee dagaalka, isagoo muujinaya dadaallada dowladda ee ku aaddan anshaxa milatariga.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayWixii xilligaas ka dambeeyayna waxaa loo magacaabay hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada ee FRN.
- Xukunnadan ayaa yimid kadib markii 71 askari la horgeeyay maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Walikale ee gobolka North Kivu, bariga dalkaas.
- Maxkamadeyntan ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo anshaxa iyo kala dambeynta ciidamada, xilli ay dowladda dagaal kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaallama bariga dalkaas, gaar ahaan fallaagada M23, sida ay sheegeen militariga Congo.
- Eedeymaha loo jeediyay askarta la xukumay ayaa la xiriiray dhacdooyin dhacay 20-kii Oktoobar, markaas oo lagu xiray magaalada Walikale.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hagaajiyo anshaxa milatariga ee Congo?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ugu yaraan 66 askari ayaa maxkamad milatari ku xukuntay dil toogasho ah dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira fulaynimo iyo ka baxsashada jiidda hore ee dagaalka.
- Maxkamadeyntan ayaa ku lug lahayd 71 askari, iyadoo afar ka mid ah la waayay wax dembi ah, halka mid kale lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.
- Siyaasadda adag ee dowladda Congo ee ku aaddan anshaxa ciidamada ayaa sii xoogeysatay bishii Maarso 2024, markaas oo ay meesha ka saartay hakad 20 sano ah oo ku jiray fulinta xukunnada dilka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Kinshasa (Caasimada Online) – Tallaabo adag oo ay qaaday dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo kadib markii ay maxkamad milatari dil toogasho ah ku xukuntay ugu yaraan 66 askari oo lagu helay eedeymo la xiriira fulaynimo iyo ka baxsashada jiidda hore ee dagaalka ayaa soo bandhigaysa sida dalalka qaar ula tacaalayaan anshax-xumada iyo amar-diidda ciidamada xilliyada dagaalka.
Xukunnadan ayaa yimid kadib markii 71 askari la horgeeyay maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Walikale ee gobolka North Kivu, bariga dalkaas. Afar ka mid ah askarta ayaa wax dembi ah lagu waayay, halka mid kale lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.
Maxkamadeyntan ayaa waxaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo anshaxa iyo kala dambeynta ciidamada, xilli ay dowladda dagaal kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaallama bariga dalkaas, gaar ahaan fallaagada M23, sida ay sheegeen militariga Congo.
Eedeymaha loo jeediyay askarta la xukumay ayaa la xiriiray dhacdooyin dhacay 20-kii Oktoobar, markaas oo lagu xiray magaalada Walikale. Waxaa lagu eedeeyay inay ka tageen fariisimahoodii, kana carareen goobihii dagaalka xilli ay socdeen iska horimaadyada.
Dhibaatada ciidamada Congo haysata ayaa muddo dheer la xiriirtay anshax-xumo, nidaam-darro iyo isku-duwid la’aan, kuwaas oo wiiqay howlgallada milatariga ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Dhanka kale, askarta ayaa cabasho ka muujiyay mushaar hoose iyo qalab ciidan oo aan ku filneyn.
Tallaabadan ma ahan tii ugu horreysay ee dowladda Congo qaaddo, maadaama bishii hore 27 askari oo kale lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii lagu eedeeyay fulaynimo iyo inay ka baxeen jiidda hore ee dagaalka.
Siyaasadda adag ee dowladda Congo ee ku aaddan anshaxa ciidamada ayaa sii xoogeysatay bishii Maarso 2024, markaas oo ay meesha ka saartay hakad 20 sano ah oo ku jiray fulinta xukunnada dilka.
Dowladda ayaa xilligaas sheegtay in tallaabada looga golleeyahay in ciidamada laga sifeeyo waxa ay ugu yeertay “khaa’imiin”.
Tirokoob ay soo ururisay warbaahinta Faransiiska ee RFI ayaa muujinaya baaxadda tallaabooyinkan, iyadoo tan iyo bilowgii 2025 ugu yaraan 507 askari lagu helay dambiyo, halka 381 ka mid ah lagu xukumay dil toogasho.
Xiisadda amni ee Congo waxaa sidoo kale qeyb ka ah khilaafka kala dhexeeya Rwanda, iyadoo dowladda Kinshasa ay marar badan Kigali ku eedeysay inay taageerto kooxda M23. Rwanda iyo fallaagada ayaa beeniyay eedeymahaas, inkastoo ay jiraan caddeymo badan oo arrintaas la xiriira.
Dhacdo kale oo muujinaysa adkaanta siyaasadda milatari ee Congo ayaa ahayd xukunkii dilka toogashada ahaa ee bishii Oktoobar 2025 lagu riday madaxweynihii hore ee dalkaas, Joseph Kabila, isaga oo maqan.
Waxaa lagu helay eedeymo ay ka mid yihiin dambiyo dagaal iyo khiyaano qaran, balse Kabila ayaa beeniyay eedeymaha, mana uusan xaadirin maxkamadda. Wixii xilligaas ka dambeeyayna waxaa loo magacaabay hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada ee FRN.
Si kastaba, tallaabada Congo ayaa Soomaaliya u horseedaysa su’aal muhiim ah oo ku saabsan sida loo xaqiijin karo anshaxa, kala dambeynta iyo u hoggaansanaanta amarada ciidamada, gaar ahaan xilliyada ay dagaallada kula jiraan kooxaha hubeysan. Casharka laga qaadan karo waa in la xoojiyo isla xisaabtanka iyo nidaamka ciidan, iyadoo tallaabo kasta lagu saleynayo caddaalad iyo sharciga.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ugu yaraan 66 askari ku xukuntay dil toogasho ah sababo la xiriira fulaynimo iyo ka baxsashada jiidda hore ee dagaalka, isagoo muujinaya dadaallada dowladda ee ku aaddan anshaxa milatariga.
Qodobada muhiimka ah
- Ugu yaraan 66 askari ayaa maxkamad milatari ku xukuntay dil toogasho ah dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, kadib markii lagu helay eedeymo la xiriira fulaynimo iyo ka baxsashada jiidda hore ee dagaalka.
- Maxkamadeyntan ayaa ku lug lahayd 71 askari, iyadoo afar ka mid ah la waayay wax dembi ah, halka mid kale lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah.
- Siyaasadda adag ee dowladda Congo ee ku aaddan anshaxa ciidamada ayaa sii xoogeysatay bishii Maarso 2024, markaas oo ay meesha ka saartay hakad 20 sano ah oo ku jiray fulinta xukunnada dilka.
- tan iyo bilowgii 2025 ugu yaraan 507 askari lagu helay dambiyo, halka 381 ka mid ah lagu xukumay dil toogasho.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid askarta ama wakiiladooda ku aaddan go'aannada maxkamadda.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanada rasmiga ah iyo warbixinno aan la xaqiijin.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Congo waxay soo bandhigaysaa su'aalo muhiim ah oo ku saabsan anshaxa milatariga iyo isla xisaabtanka xilliyada dagaallada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadi doono si loo hagaajiyo anshaxa milatariga ee Congo?
- Sidee ayey ficiladani u saameyn doonaan khilaafka socda ee gobolka?
- Maxay Soomaaliya si gaar ah uga baran kartaa habka Congo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dagaalka · congo · baraneysa
Sii akhri
- Mareykanka oo shaaciyay sababta uu ciidamadiisa ugala baxay saldhigga Baledogle ee Soomaaliya
Shabelle Media
- Magacaabista iyo xil-ka-qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya: Yaa leh awoodda dastuuriga ah?
Hiiraan Online
- Xasan Sheekh oo COP31 ka jeediyay khudbad ku saabsan abaaraha iyo fatahaadaha Soomaaliya
Shabelle Media