Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Midowga Yurub oo Xayiraado Cusub oo Dhanka Fiisaha ah ku Soo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliyeed
Brussels – Ururka Midowga Yurub ayaa si ku-meel-gaar ah u xaddiday bixinta fiisaha dal ku-galka ah ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed. Go’aankan ayaa yimid ka dib qiimeyn la sameeyay, taas oo lagu ogaaday in dowladda Soomaaliya si fiican uga soo bixin wadashaqeynta ku aaddan dib u soo celinta muwaadiniinteeda sharci-darrada ku jooga waddamada Midowga […]
Ururka Midowga Yurub ayaa si ku-meel-gaar ah u xaddiday bixinta fiisaha dal ku-galka ah ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Maxaa la shaaciyey
- Dalka Yurub waxaa laga mamnuucay inay muwaadiniinta Soomaaliyeed siiyaan fiisaha dhowrka jeer, marka laga reebo madaxda iyo mas’uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga.
- Muddada caadiga ah ee lagu baaro codsiyada fiisaha ayaa la kordhiyay ilaa 45 maalmood.
- Go'aanka Midowga Yurub ayaa ah mid ku-meel-gaar ah oo aan lahayn muddo cayiman.
Macnaha guud
Go'aankan ayaa yimid ka dib qiimeyn la sameeyay oo lagu ogaaday in dowladda Soomaaliya si fiican uga soo bixin wadashaqeynta ku aaddan dib u soo celinta muwaadiniinteeda sharci-darrada ku jooga waddamada Midowga Yurub.
“Midowga Yurub ayaa caddeeyay in go’aankan uu yahay mid ku-meel-gaar ah oo aan lahayn muddo cayiman oo uu ku eg yahay.”
Sababta ay muhiim u tahay: Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa saameyn ku yeelan karta xayiraadahan cusub ee fiisaha, taas oo ka dhigan in ay adkaan doonto in ay helaan fiisooyin si ay u safraan.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Brussels – Ururka Midowga Yurub ayaa si ku-meel-gaar ah u xaddiday bixinta fiisaha dal ku-galka ah ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed. Go’aankan ayaa yimid ka dib qiimeyn la sameeyay, taas oo lagu ogaaday in dowladda Soomaaliya si fiican uga soo bixin wadashaqeynta ku aaddan dib u soo celinta muwaadiniinteeda sharci-darrada ku jooga waddamada Midowga Yurub.
Sida ku cad warqad kasoo baxday Midowga Yurub oo warbaahinta Shabelle heshay, dalalka Yurub waxaa laga mamnuucay inay muwaadiniinta Soomaaliyeed siiyaan fiisaha dhowrka jeer ee lagu galo, marka laga reebo madaxda iyo mas’uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan adeegga dowladda.
Intaas waxaa dheer, muddada caadiga ah ee lagu baaro codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn loo kordhiyay, iyadoo laga dhigay 45 maalmood halka ay markii hore ka ahayd 15 maalmood oo kaliya.
Midowga Yurub ayaa caddeeyay in go’aankan uu yahay mid ku-meel-gaar ah oo aan lahayn muddo cayiman oo uu ku eg yahay. Ujeeddada ugu weyn ee tallaabadan loo qaaday ayaa ah in lagu cadaadiyo dowladda Soomaaliya si ay u hagaajiso wadashaqeynta ku aaddan dib u qaadashada muwaadiniinteeda sharcila’aanta ku jooga qaaradda Yurub, iyadoo Midowga Yurub uu si dhow ula socon doono hadba horumarka ay Soomaaliya ka sameyso arrintan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.