Mucaaradka oo ka horyimid go’aankii Xasan ee Maxkamadda Sare, soona saaray digniin culus
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiHoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ka horyimid xil ka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyagoo ku eedeeyay inay dhaawacayso madax-bannaanida garsoorka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ciidamo loo diray xarunta Maxkamadda Sare si ay u hor istaagaan fulinta go’aanka ay maxkamaddu uga hortimid tallaabada Xasan Sheekh, oo uu sheegay inay dhaawacayso madax-bannaanida garsoorka iyo sarreynta sharciga.
- Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka dowladda, Shariif wuxuu sheegay in xil ka qaadista guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo tallaabooyin kale oo uu ku tilmaamay kuwo aan sharciga waafaqsanayn ay caddeyn u yihiin inaan si buuxda loo ilaalin dowladnimada iyo mabda’a sarreynta sharciga.
- Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale taageeray go’aanka Maxkamadda Sare ee lagu laalay wax-ka-beddelka dastuurka ku-meelgaarka ah, isagoo sheegay in aan la marin hannaanka dastuuriga ah ee xilka looga qaadi karo madaxda garsoorka.
- Wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ku salaysan rabitaan shakhsi ah, sida uu hadalka u dhigay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan madax-bannaanida garsoorka, taasoo saameyn ku yeelan karta maamulka Soomaaliya.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto ka dib eedeymaha mucaaradka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
- Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ciidamo loo diray xarunta Maxkamadda Sare si ay u hor istaagaan fulinta go’aanka.
- Shariif wuxuu sheegay in xil ka qaadista guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo tallaabooyin kale oo uu ku tilmaamay kuwo aan sharciga waafaqsanayn ay caddeyn u yihiin inaan si buuxda loo ilaalin dowladnimada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sameeyay guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyagoo ku eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay madax-bannaanida hay’adda garsoorka.
Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ciidamo loo diray xarunta Maxkamadda Sare si ay u hor istaagaan fulinta go’aanka ay maxkamaddu uga hortimid tallaabada Xasan Sheekh, oo uu sheegay inay dhaawacayso madax-bannaanida garsoorka iyo sarreynta sharciga.
Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka dowladda, Shariif wuxuu sheegay in xil ka qaadista guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo tallaabooyin kale oo uu ku tilmaamay kuwo aan sharciga waafaqsanayn ay caddeyn u yihiin inaan si buuxda loo ilaalin dowladnimada iyo mabda’a sarreynta sharciga.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale taageeray go’aanka Maxkamadda Sare ee lagu laalay wax-ka-beddelka dastuurka ku-meelgaarka ah, isagoo sheegay in aan la marin hannaanka dastuuriga ah ee xilka looga qaadi karo madaxda garsoorka.
Wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo ku salaysan rabitaan shakhsi ah, sida uu hadalka u dhigay.
Shariif ayaa sidoo kale ka digay in haddii faragelinta lagu hayo hay’adaha dowladda ay sii socoto ay dhaawac weyn u geysan karto dowladnimada iyo ku-dhaqanka sharciga, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro madax-bannaanida garsoorka oo ka mid ah saddexda hay’adood ee waaweyn ee dowladda.
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu dalka geliyay xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo sii adkaanaysa.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay wajahayso cawaaqib ka dhashay siyaasadaha dowladda, isaga oo tusaale u soo qaatay xiritaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya iyo qorshaha ay ciidamada shisheeye qaarkood dalka uga baxayaan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ciidamada taageerada u fidiya howlgalka Soomaaliya loo qabtay muddo hal sano ah oo ay dalka kaga baxaan, taas oo uu ku tilmaamay mid muujinaysa hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in 90 maalmood gudahood heshiis laga gaaro doorashada, isagoo ku sababeeyay baahida loo qabo in dalka loo helo hoggaan ku dhisan sharciyad.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa maalin kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si lama filaan ah xilka uga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed.
Si kastaba, xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in dowladda ay qorsheyneyso in la xiro guddoomiye Baashe kadib markii uu ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyay iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee lagu laalay wax-ka-beddelka dastuurka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ka horyimid xil ka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyagoo ku eedeeyay inay dhaawacayso madax-bannaanida garsoorka. Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ciidamo loo diray xarunta Maxkamadda Sare si ay u hor istaagaan fulinta go’aankaas.
Qodobada muhiimka ah
- Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si adag uga horyimid xil ka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
- Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ciidamo loo diray xarunta Maxkamadda Sare si ay u hor istaagaan fulinta go’aanka.
- Shariif wuxuu sheegay in xil ka qaadista guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo tallaabooyin kale oo uu ku tilmaamay kuwo aan sharciga waafaqsanayn ay caddeyn u yihiin inaan si buuxda loo ilaalin dowladnimada.
- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu dalka geliyay xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo sii adkaanaysa.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dowladda ama Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
- Eedeymaha ay soo jeediyeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan tallaabooyinka gaarka ah ee ay ciidamadu qaadeen.
Gunaanadka akhristaha
Falcelinta xooggan ee mucaaradka ee ku aaddan tallaabooyinka Madaxweyne Xasan waxay muujinaysaa khilaaf siyaasadeed oo weyn oo ka jira Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay noqon doonaan tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ay qaadi doonto ka dib eedeymaha mucaaradka?
- Sidee bay xaaladda Maxkamadda Sare u horumari doontaa ka dib dirista ciidamadan?
- Maxay yihiin cawaaqibka digniinta mucaaradka ee ku saabsan xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa xiisadaha u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee ku saabsan madax-bannaanida garsoorka, taasoo saameyn ku yeelan karta maamulka Soomaaliya.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · maxkamadda · xasan · mucaaradka
Warbixintan hadda hal il oo keliya ayaa soo gudbisay: Caasimada Online.