Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Mucaaradka oo Ku Adkeysanaya Banaanbaxa 4-ta Juun iyo Dowladda oo Wajahaysa Baaqyo Caalami ah
Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, ayaa xalay u guuray aqal ku yaalla Isgoyska Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo wararku sheegayaan inuu ka sii wadi doono abaabulka banaanbaxa mucaaradku qorsheeyeen inuu ka dhaco 4-ta Juun. Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal uu xalay jeediyey ku dhaliilay dowladda federaalka iyo Madaxweyne […]
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ku baaqay banaanbax mucaarad ah oo la qorsheeyey 4-ta Juun, isagoo dhaliilay dowladda federaalka.
Maxaa la shaaciyey
- Sharif Sheikh Ahmed ayaa u guuray aqal ku yaalla Isgoyska Mirinaayo si uu u abaabulo banaanbaxa.
- Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis ka imanaya saaxiibada caalamiga ah oo ku boorinaya in la gaaro heshiis ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
- Beesha caalamka ayaa ka digtay in khilaafaadka siyaasadeed ay keeni karaan amni darro.
Macnaha guud
Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis ka imanaya saaxiibada caalamiga ah oo ka walwalsan khilaafaadka siyaasadeed.
“Banaanbaxa la qorsheeyey aanu dib u dhac ku iman doonin.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo saamaynta ay ku yeelan karto amniga.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, ayaa xalay u guuray aqal ku yaalla Isgoyska Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis, halkaas oo wararku sheegayaan inuu ka sii wadi doono abaabulka banaanbaxa mucaaradku qorsheeyeen inuu ka dhaco 4-ta Juun.
Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal uu xalay jeediyey ku dhaliilay dowladda federaalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in banaanbaxa la qorsheeyey aanu dib u dhac ku iman doonin. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan isu soo baxa, isaga oo xusay in goobaha rasmiga ah ee lagu qabanayo ay mucaaradku si gaar ah u shaacin doonaan.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa cadaadis iyo baaqyo ka imanaya saaxiibada caalamiga ah. Dalal iyo hay’ado caalami ah, oo ay ka mid tahay Mareykanka ay ku booriyeen dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay gaaraan heshiis ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Beesha caalamka ayaa ka digtay in khilaafaadka siyaasadeed ee sii socda ay horseedi karaan xaalado amni darro iyo xasillooni la’aan siyaasadeed, haddii aan xal wadajir ah laga gaarin arrimaha taagan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.