Mucaaradka oo War Kasoo Saaray Howlgalka Hotel Elite iyo Xiisadda Ka Taagan Degmada Cabdicasiis
Muqdisho – Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa war cusub kasoo saaray howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Hotel Elite ee xeebta Liido iyo xiisadda maanta ka taagan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. War kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si xoog ah ku galeen Hotel Elite oo ku […]

Mucaaradka ayaa war kasoo saaray howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Hotel Elite iyo xiisad ka taagan degmada Cabdicasiis.
Maxaa la shaaciyey
- Ciidamada dowladda ayaa si xoog ah u galay Hotel Elite oo leh Cabdullaahi Maxamed Nuur.
- Mucaaradka ayaa sheegay in howlgalkaasi uu sii hurin karo xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee Muqdisho.
- Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah degmada Cabdicasiis.
Macnaha guud
Xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa kacsan kaddib dagaallo sababay khasaarooyin.
“Mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Muqdisho.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa war cusub kasoo saaray howlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen Hotel Elite ee xeebta Liido iyo xiisadda maanta ka taagan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
War kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si xoog ah ku galeen Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido, isla markaana uu leeyahay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Sida ay sheegeen, ciidamada ayaa hubkii ka qaaday ilaalada hoteelka ka hor inta aysan gudaha u galin qeybaha kala duwan ee hoteelka, iyagoo sheegayay inay wadaan baaritaanno la xiriira hub la tuhunsan yahay in halkaasi lagu keydiyay.
Mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyagoo ku baaqay in laga fogaado falal horseedi kara iska horimaadyo hor leh.
Dhanka kale, xaaladda degmada Cabdicasiis ayaa maanta kacsan, kaddib markii Taliska Booliiska Gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay inuu degmada ka bilaabayo howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah. Qorshahan ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib dagaallo ka dhacay degmadaasi, kuwaas oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.