Mucaaradka Soomaaliya: Mabda’ Mise Dan Siyaasaddeed?
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiSiyaasiyiin muddo ku dhow sannad diiddanaa doorashooyin hal dhinac ah ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, kadib doorashadii muranka dhalisay ee Jowhar.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Doorashada ayaa mar kale uu noqday madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), halka Cabdifitaax Xasan Afrax uu noqday madaxweyne ku-xigeen.
- Cabdulqaadir Osoble, oo lala xiriiriyo isbahaysiga mucaaradka ee Salvation Forum, iyo Maxamed Abukar Islow, wasiirkii hore ee amniga gudaha oo xiriir la leh isbahaysiga Haybad Qaran, ayaa Guudlaawe hambalyeeyey, iyagoo ku boorriyey inuu xoojiyo midnimada, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka Hirshabeelle.
- Dhanka kale, hambalyada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, oo aan qeyb ka hayen mucaaradka ka dhanka ah habka doorashooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh u wado, ayaa hambalyeeeyay, taasi oo aheyd mid la filayay.
- Muranku ma aha in siyaasiyiintu hambalyeeyaan hoggaamiyeyaal la doortay.
Sida ay sheegtay Wardheer News
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee keenay in mucaaradku hambalyeeyaan hoggaanka cusub?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Natiijada oo hore loo sii saadaaliyey ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in doorashadu aanay aheyn tartan dhab.
- Cabdulqaadir Osoble, oo lala xiriiriyo isbahaysiga mucaaradka ee Salvation Forum, iyo Maxamed Abukar Islow, wasiirkii hore ee amniga gudaha oo xiriir la leh isbahaysiga Haybad Qaran, ayaa Guudlaawe hambalyeeyey.
- Maqaalku wuxuu su’aal gelinayaa daacadnimada hambalyada mucaaradka, isagoo soo jeedinaya inay horey u diideen habka doorashada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (WDN)- Siyaasiyiin muddo ku dhow sannad diiddanaa doorashooyin hal dhinac ah ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, kadib doorashadii muranka dhalisay ee Jowhar. Tallaabadan ayaa soo celisay su’aalo ku saabsan mowqifka dhabta ah ee mucaaradka, iyadoo sidoo kale dhacdadii Galmudug ay muujisay mabda’ ta mucaaradaka. , Galmudug oo siyaasiyiin mucaarad ahi ay hambalyeeyeen doorashadii halka dhinac aheyd, ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud abaabulay.
Doorashada ayaa mar kale uu noqday madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), halka Cabdifitaax Xasan Afrax uu noqday madaxweyne ku-xigeen. Hase yeeshee, natiijada oo hore loo sii saadaaliyey ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in doorashadu aanay aheyn tartan dhab, balse ahyed qorshe hoggaanka Villa Soomaaliya horey u wadey .
Cabdulqaadir Osoble, oo lala xiriiriyo isbahaysiga mucaaradka ee Salvation Forum, iyo Maxamed Abukar Islow, wasiirkii hore ee amniga gudaha oo xiriir la leh isbahaysiga Haybad Qaran, ayaa Guudlaawe hambalyeeyey, iyagoo ku boorriyey inuu xoojiyo midnimada, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka Hirshabeelle.
Dhanka kale, hambalyada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, oo aan qeyb ka hayen mucaaradka ka dhanka ah habka doorashooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh u wado, ayaa hambalyeeeyay, taasi oo aheyd mid la filayay.
Mucaaradka oo ay la soo daristay su’aallo ku aadna mabado’ooda dhabta ah
Muranku ma aha in siyaasiyiintu hambalyeeyaan hoggaamiyeyaal la doortay. Su’aasha muhiimka ahi waa sababta siyaasiyiin muddo dheer ku dooddayey in doorashooyinku sharciyad siyaasaddeed ka maqan tahay, ay hadda u hambalyeynayaan natiijadooda, iyaga oo aan sharraxin in tabashooyinkoodii la xalliyey oo heshiis la gaadhay.
Tani kaligeed ma caddaynayso in siyaasiyiintaasi ka tanaasuleen mucaaradnimadooda ama ay si qarsoodi ah ula shaqaynayeen dowladda federaalka. Hase yeeshee, haddii mowqifkoodu isbeddelay, waxaa habboon inay bulshada u caddeeyaan waxa isbeddelay iyo sababta.
Arrintani waxay ka tarjumaysaa walaac ka ballaaran Jowhar, kaas oo hore uga muuqday Galmudug iyo murannada ku saabsan heshiiska siyaasaddeed, federaalka iyo hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Taasi oo tusaysa in mucaaradku laheyn qorshe ku dhisan mabda’ ( principle) isbedel- doon ah, oo dalka lagaga sarayo dhibaatooyinka iyo hoggaan xumada ka jirta.
Mabda’ mise dano siyaasaddeed?
Kalsoonida mucaaradku kuma dhisna oo keliya dhaliilaha uu u jeediyo dowladda, balse waxay ku xiran tahay inuu si joogto ah ugu dhaqmo mabaadi’da uu difaacayo. Mucaaradnimadu ma noqon karto loollan ku kooban dano shaqsiyeed, isbahaysiyo isbeddelaya iyo tartan xilal in la helo ay ka dambeyso.
Siyaasiyiin bilo badan ku muransanaa sharciyadda doorashooyinka oo haddana natiijadooda hambalyeeya iyaga oo aan wax sharraxaad ah bixin, waxay halis ugu jiraan inay dhaawacaan doodda ay muddada dheer difaacayeen
Siadaa darted mucaaradka Soomaaliya wuxuu wajahayaa inuu bulshada u sharraxo sababta uu mowqifkiisa u beddelay, ama uu sii wiiqo kalsoonida dadweynaha ee ku aadan mabda’a iyo daacadnimada siyaasiyiintiisa.
Dowladda federaalka waxaa la gudboon in ay khilaafka doorashooyinka ku xallisaa wadahadal hufan iyo heshiis siyaasaddeed oo loo dhan yahay, halkii ay hambalyada siyaasiyiin gaar ah uga dhigan lahayd beddelka is-afgarad qaran.
WardheerNews
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Siyaasiyiin muddo ku dhow sannad diiddanaa doorashooyin hal dhinac ah ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, kadib doorashadii muranka dhalisay ee Jowhar.
Qodobada muhiimka ah
- Siyaasiyiin muddo ku dhow sannad diiddanaa doorashooyin hal dhinac ah ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, kadib doorashadii muranka dhalisay ee Jowhar.
- Natiijada oo hore loo sii saadaaliyey ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan in doorashadu aanay aheyn tartan dhab.
- Cabdulqaadir Osoble, oo lala xiriiriyo isbahaysiga mucaaradka ee Salvation Forum, iyo Maxamed Abukar Islow, wasiirkii hore ee amniga gudaha oo xiriir la leh isbahaysiga Haybad Qaran, ayaa Guudlaawe hambalyeeyey.
- Maqaalku wuxuu su’aal gelinayaa daacadnimada hambalyada mucaaradka, isagoo soo jeedinaya inay horey u diideen habka doorashada.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha siyaasiyiinta la eedeeyay.
- Eedeymaha ku saabsan in doorashadu tahay tartan dhab ah ma ahan kuwo madax-bannaan oo la xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku filan si loo qiimeeyo sababaha mucaaradka.
Gunaanadka akhristaha
Hambalyada mucaaradka waxay su'aalo ka keenaysaa mowqifkoodii hore ee ku aaddanaa habka doorashada.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee keenay in mucaaradku hambalyeeyaan hoggaanka cusub?
- Sidee dowladda federaalka u xallin doontaa khilaafaadka doorashada?
- Maxay yihiin saameynta isbeddelka mowqifka mucaaradka ee doorashooyinka mustaqbalka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wardheer News
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · mabda · mucaaradka · siyaasaddeed