Muungaab oo bogaadiyay doorashooyinkii ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiXasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorashooyinkii ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle, isagoo muujiyay sida nabad ah ay u dhaceen.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Ugu horreyn guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay shacabka, madaxda iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay hirgelinta doorashooyinkan, isagoo ku ammaanay sida nabdoon ee ay u dhaceen iyo doorkii ay ka qaateen ilaalinta xasilloonida iyo kala dambeynta.
- Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qabsoomidda doorashooyinkan ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in dalka laga sii ambaqaado hannaan doorasho oo ku dhisan ka-qaybgalka bulshada, nabadgelyada iyo xasilloonida siyaasadeed.
- “Maanta waa maalin kale oo taariikhi ah, oo muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo shacabka ku dhaqan Dowlad-Goboleedyada 𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐥𝐥𝐞 iyo 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 ay u dareereen goobaha codbixinta, si’ ay si’ toos ah ugu soo doortaan wakiilladooda.
- Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale doorashooyinka ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo xoojinta doorka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorashada cidda metelaysa.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday si loo hubiyo in doorashooyinku nabad yihiin?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorashooyinkii ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle.
- Muungaab wuxuu hoosta ka xariiqay in qabsoomidda doorashooyinkan ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in dalka laga sii ambaqaado hannaan doorasho oo ku dhisan ka-qaybgalka bulshada.
- Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu door muhiim ah ka qaatay xaqiijinta rajada iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si wayn u bogaadiyay doorashooyinkii Arbacadii ka dhacay Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo si nabad ah oo xasilooni leh uga qabsoomay magaalooyinka waa wayn ee maamuladaasi.
Ugu horreyn guddoomiye Muungaab ayaa u hambalyeeyay shacabka, madaxda iyo dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay hirgelinta doorashooyinkan, isagoo ku ammaanay sida nabdoon ee ay u dhaceen iyo doorkii ay ka qaateen ilaalinta xasilloonida iyo kala dambeynta.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qabsoomidda doorashooyinkan ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in dalka laga sii ambaqaado hannaan doorasho oo ku dhisan ka-qaybgalka bulshada, nabadgelyada iyo xasilloonida siyaasadeed.
“Maanta waa maalin kale oo taariikhi ah, oo muhiim u ah geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo shacabka ku dhaqan Dowlad-Goboleedyada 𝐇𝐢𝐫𝐬𝐡𝐚𝐛𝐞𝐞𝐥𝐥𝐞 iyo 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 ay u dareereen goobaha codbixinta, si’ ay si’ toos ah ugu soo doortaan wakiilladooda. Doorashooyinkani waxay qayb ka yihiin geeddi-socod qaran oo ay 𝐛𝐚𝐫-𝐛𝐢𝐥𝐥𝐨𝐰 𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐃𝐞𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫 𝐞𝐞 𝐪𝐚𝐛𝐬𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐲 𝟐𝟓-𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐢𝐬𝐞𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟓,” ayuu yiri Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale doorashooyinka ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo xoojinta doorka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan doorashada cidda metelaysa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu door muhiim ah ka qaatay xaqiijinta rajada iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.
“Hannaanka doorashada tooska ah wuxuu xoojinayaa codka shacabka iyo xaqa muwaadinka Soomaaliyeed ee ah inuu si toos ah u doorto cidda uu ku aaminayo metelaaddiisa, taasoo qayb ka ah 𝐡𝐢𝐦𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚 shacabka Soomaaliyeed, iyadoo 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐃𝐫. 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝, uu rumeeyay riyada muwaadiniinta ee ah 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐪𝐨𝐟 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐨𝐝 𝐚𝐡.
Waxaan sidoo kale bogaadinayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku guuleystay fulinta doorashooyinkan,” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.
Horay doorashooyin noocan oo kale ah ayaa uga dhacay Gobolka Banaadir iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa geeddi-socodka lagu xoojinayo hannaanka doorashooyinka tooska ah ee dalka.
Si kastaba, Doorashooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta hirgelinta hannaanka doorashooyinka tooska ah, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ka-qaybgalka shacabka iyo in muwaadiniintu helaan fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilladooda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorashooyinkii ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle, isagoo muujiyay sida nabad ah ay u dhaceen.
Qodobada muhiimka ah
- Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorashooyinkii ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle.
- Muungaab wuxuu hoosta ka xariiqay in qabsoomidda doorashooyinkan ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in dalka laga sii ambaqaado hannaan doorasho oo ku dhisan ka-qaybgalka bulshada.
- Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu door muhiim ah ka qaatay xaqiijinta rajada iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha mas'uuliyiinta kale ama dhinacyada kale ee ku saabsan doorashooyinka.
- Eedeymaha ku saabsan muhiimadda doorashooyinkan waxay ku saleysan yihiin kaliya hadallada Muungaab.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan habka doorashada ama natiijooyinka ma jiraan.
Gunaanadka akhristaha
Doorashooyinkii ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle waxaa loo arkaa inay tahay tallaabo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya sida uu sheegay Muungaab.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaaday si loo hubiyo in doorashooyinku nabad yihiin?
- Sidee doorashooyinkani u saameynayaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya?
- Maxay yihiin tallaabooyinka xiga ee ka dambeeya doorashooyinkan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dhacay · hirshabelle · galmudug
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Guddiga doorashooyinka oo faahfaahin ka bixiyay doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle
Goobjoog Somali
- Doorashooyinka Galmudug Iyo Hirshabeelle: Tijaabada Qof Iyo Codka Soomaaliya
Goobjoog Somali
- Warbaahinta madaxa bannaan oo loo diiday in ay tabiso doorashada Maanta laga bilaabay deegaanada Hirshabelle
Hiiraanweyn