Muwaadin u Sacuudiyaan ah oo koox hubeysan ay ku afduubatay dalka…
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Muwaadin u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu afduubtay dalka Niger iyadoo ay ka dambeeyaan dagaalyahanno looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Howlgalkan afduubka ah ayaa dhacay maalmaha Sabtida ama Axadda ee 21-kii iyo 22-kii November.
- Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa u sheegay Reuters in afduubku uu ka dhacay gobolka galbeedka ku yaalla ee Tillaberi, halkaasoo ay si xooggan uga howlgasho kooxda Daacish ee gobolka Saaxil (ISSP).
- Ilaa hadda, kooxda ISSP ma aysan sheegan mas’uuliyadda afduubkan, sidoo kalena dowladaha Niger iyo Sacuudi Carabiya ayaan ka jawaabin codsiyo la xiriira inay faahfaahin ka bixiyaan xaaladda muwaadinkaas iyo dadaallada lagu soo furanayo.
- Xudunta xasillooni-darrada gobolka Saaxil Gobolka Tillaberi, oo ku yaalla xuduudda istiraatiijiga ah ee ay wadaagaan dalalka Niger, Mali, iyo Burkina Faso, ayaa sanadihii u dambeeyay noqday xarunta ugu weyn ee dhaqdhaqaaqyada kooxaha jihaad-doonka ah ee Galbeedka Afrika, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Daacish iyo Al-Qaacida.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa halista sii kordheysa ee ay wajahaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan Niger, gaar ahaan xilliga ay jiraan caqabado amni oo socda gobolka Saaxil.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin xaaladaha gaarka ah ee ku xeeran afduubka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Howlgalkan afduubka ah ayaa dhacay maalmaha Sabtida ama Axadda ee 21-kii iyo 22-kii November.
- Kooxda ISSP ma aysan sheegan mas’uuliyadda afduubkan.
- Dowladaha Niger iyo Sacuudi Carabiya ayaan ka jawaabin codsiyo la xiriira inay faahfaahin ka bixiyaan xaaladda muwaadinkaas.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Niamey (Caasimada Online) – Dagaalyahanno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin garabka kooxda Daacish ee ka howlgala Galbeedka Afrika ayaa dalka Niger ku afduubtay muwaadin u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaasoo ay hadda u haystaan afduub ahaan, sida ay xaqiijiyeen laba ilo-wareed oo dhanka amniga ah.
Howlgalkan afduubka ah ayaa dhacay maalmaha Sabtida ama Axadda ee 21-kii iyo 22-kii November.
Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa u sheegay Reuters in afduubku uu ka dhacay gobolka galbeedka ku yaalla ee Tillaberi, halkaasoo ay si xooggan uga howlgasho kooxda Daacish ee gobolka Saaxil (ISSP). Ilo-wareedka labaad ayaa isna tilmaamay in falku uu ka dhacay deegaan u dhaxeeya Tillaberi iyo caasimadda dalkaas ee Niamey.
Ilaa hadda, kooxda ISSP ma aysan sheegan mas’uuliyadda afduubkan, sidoo kalena dowladaha Niger iyo Sacuudi Carabiya ayaan ka jawaabin codsiyo la xiriira inay faahfaahin ka bixiyaan xaaladda muwaadinkaas iyo dadaallada lagu soo furanayo.
Xudunta xasillooni-darrada gobolka Saaxil
Gobolka Tillaberi, oo ku yaalla xuduudda istiraatiijiga ah ee ay wadaagaan dalalka Niger, Mali, iyo Burkina Faso, ayaa sanadihii u dambeeyay noqday xarunta ugu weyn ee dhaqdhaqaaqyada kooxaha jihaad-doonka ah ee Galbeedka Afrika, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Daacish iyo Al-Qaacida.
Dhulkan ballaaran ee xuduudaha ku teedsan ayaa caan ku ah in ay ku yar tahay gacan-ku-haynta dowladaha, taasoo kooxaha hubeysan u sahashay inay si xor ah isugu gudbaan, kana fuliyaan weerarro joogto ah oo ka dhan ah ciidamada amniga, shacabka, iyo shaqaalaha ajnabiga ah.
Inkastoo maamullada milatariga ee ka taliya dalalkan ay muddooyinkii dambe xoojiyeen iskaashigooda dhanka amniga, haddana awoodda kooxahaas ayaa weli ah caqabad weyn oo xakameyn la’aan ah.
Madax-furasho lagu maalgeliyo argagixisada
Afduubka dadka ajnabiga ah ayaa muddo dheer u ahaa kooxaha ka dagaallama gobolka Saaxil il dhaqaale oo muhiim ah, iyagoo dalbada lacago madax-furasho ah oo aad u badan si ay ugu maalgeliyaan dagaalkooda iyo hubka ay soo iibsadaan.
Sida ay ku sheegeen warbixin dhawaan soo baxday khubarrada Qaramada Midoobay, lacag madax-furasho ah oo lagu qiyaasay 50 milyan oo dollar — taasoo dhammaadkii sanadkii 2025 lagu sii daayay qof lagu afduubtay dalka Mali oo ay haysteen kooxo xiriir la leh Al-Qaacida — ayaa ka caawisay kooxahaas inay sameeyaan horumar dhanka dagaalka ah sanadkan, isla markaana ay maalgeliyaan shabakadooda caalamiga ah.
Dhacdadan cusub ayaa ku soo aadaysa iyadoo bishii hore la sii daayay haweeney u dhalatay dalka Austria iyo mid kale oo Swiss ah, kuwaasoo lagu afduubtay dalka Niger, waxayna gacanta kooxahaas ku jireen in ka badan 18 bilood.
Inkastoo xorriyaddooda dib loo helay, haddana macluumaad yar ayaa laga bixiyay kooxdii haysatay iyo shuruudihii lagu sii daayay, taasoo sii xoojineysa shakiga laga qabo in lacago madax-furasho ah weli lagu bixiyo gobolka.
Afduubka muwaadinkan Sacuudiyaanka ah ayaa mar kale muujinaya halista sii kordheysa ee ay wajahaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan Niger, xilli gobolka Saaxil uu sii galayo xaalad amni oo adag.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Muwaadin u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu afduubtay dalka Niger iyadoo ay ka dambeeyaan dagaalyahanno looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish. Afduubka ayaa ka dhacay gobolka Tillaberi maalmaha 21 ama 22 November.
Qodobada muhiimka ah
- Muwaadin u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu afduubtay dalka Niger iyadoo ay ka dambeeyaan dagaalyahanno looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish.
- Howlgalkan afduubka ah ayaa dhacay maalmaha Sabtida ama Axadda ee 21-kii iyo 22-kii November.
- Kooxda ISSP ma aysan sheegan mas’uuliyadda afduubkan.
- Dowladaha Niger iyo Sacuudi Carabiya ayaan ka jawaabin codsiyo la xiriira inay faahfaahin ka bixiyaan xaaladda muwaadinkaas.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay laba ilo-wareed oo amni ah.
- Kooxda ISSP ma aysan sheegan mas’uuliyadda afduubkan.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dowladaha Niger iyo Sacuudi Carabiya oo ku saabsan xaaladda.
Gunaanadka akhristaha
Afduubka muwaadinkan Sacuudiyaanka ah ayaa muujinaya khataraha joogtada ah ee ay kooxaha hubeysan ku hayaan gobolka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin xaaladaha gaarka ah ee ku xeeran afduubka?
- Maxay yihiin dadaallada lagu doonayo in lagu soo furo muwaadinkan la afduubtay?
- Ma jiraan wax warar ah oo ka yimid dowladaha Niger iyo Sacuudi Carabiya?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa halista sii kordheysa ee ay wajahaan dadka ajnabiga ah ee ku sugan Niger, gaar ahaan xilliga ay jiraan caqabado amni oo socda gobolka Saaxil.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · muwaadin · dalka · sacuudiyaan
Sii akhri
- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo booqasho ku tegay dalka Uganda
Shabelle Media
- Hirshabeelle oo Sheegtay in Rag Hubeysan oo Rasaas ku Furay Diyaarad Qaramada Midoobay leedahay oo ku sugnayd Garoonka Beledweyne
Hiiraanweyn
- Ciidanka Danab oo Hawlgallo ka Wada Deegaanno ka Tirsan Gobolka Bay
Hiiraanweyn