Muxuu yahay shirka ay maanta DF Soomaaliya ka furtay Muqdisho?
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiWasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026) magaalada Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinUgu dambeyntiina, waxay ku baaqeen in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashadaan wax ka qabashada aafooyinka, si loo gaaro yoolalka qaranka ee la xiriira ka hortagga musiibooyinka, xoojinta adkeysiga dalka iyo dhismaha bulsho awood u leh inay ka soo kabato dhibaatooyinka soo noqnoqda.
- Shirweynaha ayaa sanadkan diiradda lagu saaraya sidii looga gudbi lahaa aafooyinka soo noqnoqda, loona dhisi lahaa adkeysi waara oo dalka u horseeda mustaqbal wanaagsan iyo soo kabasho waarta.
- Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay wax ka qabashada musiibooyinka iyo ka hortagga aafooyinka soo noqnoqda.
- Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi oo isaguna ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin hore oo ku dhisan cilmi-baaris, si loo yareeyo saameynta aafooyinka soo noqnoqda, loona helo xalal waara oo wax looga qaban karo dhibaatooyinka dalka.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la hirgelin doono natiijada shirweynaha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026).
- Shirweynaha ayaa sanadkan diiradda lagu saaraya sidii looga gudbi lahaa aafooyinka soo noqnoqda, loona dhisi lahaa adkeysi waara oo dalka u horseeda mustaqbal wanaagsan.
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi oo isaguna ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin hore oo ku dhisan cilmi-baaris, si loo yareeyo saameynta aafooyinka soo noqnoqda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026).
Shirweynaha ayaa sanadkan diiradda lagu saaraya sidii looga gudbi lahaa aafooyinka soo noqnoqda, loona dhisi lahaa adkeysi waara oo dalka u horseeda mustaqbal wanaagsan iyo soo kabasho waarta.
Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay wax ka qabashada musiibooyinka iyo ka hortagga aafooyinka soo noqnoqda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo gurmadka degdegga ah, loona tallaabsado tallaabooyin ka hortag ah iyo xalal waara oo horseeda isku-filnaanshaha bulshada iyo dowladda.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi oo isaguna ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin hore oo ku dhisan cilmi-baaris, si loo yareeyo saameynta aafooyinka soo noqnoqda, loona helo xalal waara oo wax looga qaban karo dhibaatooyinka dalka.
Fiqi ayaa sidoo kale xusay in taageerada caalamiga ahi ay yaraatay, maadaama dunidu ay ku mashquulsan tahay caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah. Waxa uu tilmaamay in xaaladdani ay sii xoojinayso baahida loo qabo in Soomaaliya ay yeelato qorshayaal iyo xalal waara oo awood u siinaya inay si wanaagsan ula tacaasho aafooyinka.
Labada wasiir ayaa bogaadiyay dadaallada cilmi-baariseed iyo qorshayaasha ay iska kaashanayaan Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho. Waxay sidoo kale muujiyeen muhiimadda ay dadaalladaasi u leeyihiin fahamka aafooyinka iyo dejinta qorshayaal lagu yareynayo saameyntooda.
Wasiirradu waxay adkeeyeen in cilmi-baarista iyo qorsheynta hore ay laf-dhabar u yihiin dhismaha adkeysiga dalka, gaar ahaan xilli ay soo noqnoqonayaan dhibaatooyinka saameeya bulshada. Waxay sidoo kale tilmaameen baahida loo qabo habab wax ku ool ah oo looga hortago khasaaraha ka dhasha aafooyinka.
Ugu dambeyntiina, waxay ku baaqeen in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashadaan wax ka qabashada aafooyinka, si loo gaaro yoolalka qaranka ee la xiriira ka hortagga musiibooyinka, xoojinta adkeysiga dalka iyo dhismaha bulsho awood u leh inay ka soo kabato dhibaatooyinka soo noqnoqda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026) magaalada Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa si rasmi ah u furay Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026).
- Shirweynaha ayaa sanadkan diiradda lagu saaraya sidii looga gudbi lahaa aafooyinka soo noqnoqda, loona dhisi lahaa adkeysi waara oo dalka u horseeda mustaqbal wanaagsan.
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi oo isaguna ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin hore oo ku dhisan cilmi-baaris, si loo yareeyo saameynta aafooyinka soo noqnoqda.
- Labada wasiir ayaa bogaadiyay dadaallada cilmi-baariseed iyo qorshayaasha ay iska kaashanayaan Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan shirweynaha.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha ay wasiiradu soo jeediyeen.
- Maqaalku ma cayimin ka qaybgalka ama ka qeybgalka daneeyayaasha kale.
Gunaanadka akhristaha
Furitaanka SDRC 2026 wuxuu muujinayaa dadaallada socda ee lagu xallinayo iyo yareynayo saameynta aafooyinka Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la hirgelin doono natiijada shirweynaha?
- Sidee loo qiimeyn doonaa waxtarka xalalka la soo jeediyay?
- Waa maxay doorka taageerada caalamiga ah ee ku saabsan hindisyada la falanqeeyay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · muqdisho · soomaaliya · furtay