Odayaasha Hawiye oo jawaab kulul siiyay Garaad Jaamac Garaad Cali
Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam Cumar Macalin Abshir oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa jawaab ka bixiyay eedeyntii Garaad Jaamac Garaad Cali oo maalmo kahor sheegay in odayaasha Hawiye ay soo dhamaystiri waayeen xubnihii laga rabay, si loo dhiso guddi odayaal ah oo dhex-dhexaadiya Villa Somalia iyo Mucaaradka. Garaadka ayaa xusay in arrintaas ay keentay […] The post Odayaash

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam Cumar Macalin Abshir oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa jawaab ka bixiyay eedeyntii Garaad Jaamac Garaad Cali oo maalmo kahor sheegay in odayaasha Hawiye ay soo dhamaystiri waayeen xubnihii laga rabay, si loo dhiso guddi odayaal ah oo dhex-dhexaadiya Villa Somalia iyo Mucaaradka.
Garaadka ayaa xusay in arrintaas ay keentay in ay fashilmaan dadaalladii ay wadeen ee dhex-dhexaadinta, si xal looga gaaro khilaafka taagan.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaan kulankan uga codsanay si aan ugu sheegno ergadii ay na fareen inay suuroobi wayday inaan u gudbino dhinicii kale arrinta ay u suuroobi waysay ma aha inaan dhinaca dowladda war ka weynay ee odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed guddiga ay ku ballansanaayeen ayaa soo dhammaystirmi waayay weliba guddigii beesha Hawiye ee magaaladan degta,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Imaam Cumar Macalin Abshir oo shaaca ka qaaday in Odayaasha Hawiye ay nabad rabaan, isla markaana aysan ku shaqeyn doonin talaba Isin dhaqan oo dagaal hurinayo, sida uu hadalka u dhigay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan