WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA
WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta (Sharci Lr. 005 ee 2023), Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed waxay ogeysiinaysaa dhammaan Xog-dhowrayaasha (Data Controllers) iyo Xog-adeegsadayaasha (Data Processors) ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in la bilaabay diiwaangelinta hay’adaha iyo shi
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA
Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad ee Sharciga Dhowrista Xogta (Sharci Lr. 005 ee 2023), Hay’adda Dhowrista Xogta Soomaaliyeed waxay ogeysiinaysaa dhammaan Xog-dhowrayaasha (Data Controllers) iyo Xog-adeegsadayaasha (Data Processors) ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in la bilaabay diiwaangelinta hay’adaha iyo shirkadaha adeegsada xogta shakhsiga ah, si loo xaqiijiyo ilaalinta xogta muwaadiniinta iyo u hoggaansanaanta sharciga dalka.
Hay’addu waxay qabaneysaa codsiyada diiwaangelinta, waxayna shahaadada rasmiga ah ee diiwaangelinta siin doontaa hay’adaha iyo shirkadaha buuxiya dhammaan shuruudaha ay Hay’addu dejisay.
Sidaa darteed, dhammaan hay’adaha iyo shirkadaha ku lug leh uruurinta, kaydinta, adeegsiga, gudbinta, ama shaacinta xogta shakhsiga ah, waxaa la farayaa inay u hoggaansamaan waajibaadka diiwaangelinta iyo dhowrista xogta ee uu dhigayo Sharciga Dhowrista Xogta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan