ONLF oo qeyb ka noqotay isbaheysiga ka dhanka ah Xukuumadda Abiy Axmed
Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Kooxda hubaysan ee ka dagaallanta Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sameynta isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Alliance for Survival (Isbahaysiga Badbaadada), kaas oo ujeeddadiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, lana…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Kooxda hubaysan ee ka dagaallanta Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sameynta isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Alliance for Survival (Isbahaysiga Badbaadada), kaas oo ujeeddadiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, lana dhiso maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay.
Isbahaysiga waxaa ku mideysan Amhara FANO, Oromo (OLA), Tigray (TPLF), Ogaden (ONLF).
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ayay kooxuhu dowladda ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay “dagaal, xasuuq, burbur ballaaran iyo saboolnimo ba’an”, iyagoo sheegay in Itoobiya ay noqotay dowlad fashilantay oo wajahaysa khatarta kala-daadashada.
Waxay sheegeen in ku dhaqanka sharciga iyo kala dambayntu ay burbureen, malaayiin qofna ay barakaceen, halka rajadii muwaadiniintuna ay meesha ka baxday waxa ay ku tilmaameen “kaligii-talisnimo”.
Isbahaysigu wuxuu sheegay in howshiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Abiy Axmed, la ilaaliyo badbaadada iyo amniga shacabka Itoobiya, la dhiso dowlad ku-meel-gaar ah oo uu hagayo Axdiga Ku-meel-gaarka ah, isla markaana khilaafaadka gudaha lagu xalliyo si nabadeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · axmed · abiy · noqotay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Toddoba koox oo Itoobiya uga dhowaaqay isbaheysi weyn oo xukunka looga tuurayo Abiy
Caasimada Online
- Toddobo kooxood oo hubeysan oo ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ka dhan ah dowladda Abii Axmed
Goobjoog Somali
- Beesha Xawaadle oo diiday doorashada laga qabanayo HirShabelle, kuna dhawaaqday…
Caasimada Online