PDRC Waxay U Ekaatay Madasha Fadhi-Ku-Dirirka Soomaalida
Garoowe (Faallo PP) — Cabdi Aadan Xooshow, oo ka mid ah ka qeybgalayaasha kulan ay Xarunta Cilmibaarista Horumarinta ee Puntland… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) si hufan ayay ugu jawaabtay Xooshow.
Garoowe (Faallo PP) — Cabdi Aadan Xooshow, oo ka mid ah ka qeybgalayaasha kulan ay Xarunta Cilmibaarista Horumarinta ee Puntland (PDRC) ay abaabushay, ayaa fursadda la siiyay u adeegsaday inuu alooso weerar siyaasadeed afka ah oo ka dhan ah beelo Soomaaliyeed. Waxaa u jawaabtay Xaliimo Yarey, oo mar ahayd Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya.
Xooshow wuxuu tusaale u soo qaatay Madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo aan u nuglayn in lagu soo qaado “weerar diyaaradaha is wada ah” halka Taliye Mahad Shubka (taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta ahna soddogga Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed) uu ku sigtay inuu ku nafwaayo weerar noocaas ah oo ka dhacay Doolow dhowaan.
Gaylan isuma xilsaarin dhowrista anshaxa doodda markii ka qeybgale uu goobta u beddelay fadhi-ku-dirir.
Labo sano ka hor (2024), markii uu socday caleemasaarkii Madaxweyne Deni, Laftagareen wuxuu ugu baaqay Deni inuu ku soo noqdo Golaha Wadatashiga Qaran oo Puntland ay ka baxday sanadkii 2023kii. Laftagareen wuxuu ahaa siyaasi aad ugu dhowaa Villa Somalia si la mid ah sida Jubaland ugu dhoweyd, ka hor inta labada maamul aysan ka hor imanin qorshihii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonaysay inay kaalin ku yeelato jaangoynta hababka doorashada heer madaxweyne ee labada maamul.
Xooshow wuxuu soo qaatay tusaale aan ku habbooneyn goobta oo ah in beeshiisu si nabad ah ugu nooshahay Puntland. Waajib gudasho ma mudna amaan. Xooshow wuxuu illowsan yahay kaalintii Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Caliyow ku lahaa isbahaysigii SNA oo uu Jeneraal Caydiid hoggaaminayay. Kaalintii Caliyow kama yarayn kaalintii Axmed Cumar Jees, oo mar ahaa hoggaamiyihii ururkii SPM.
Xooshow wuu dhabqiyay doodda markii uu weerar af ah ku qaaday beelo Soomaaliyeed isagoo jooga Garoowe.
Siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle wixii ka dambeeyay 1990kii, sida beelaha hubeysan, waxay leeyihiin taariikh dhibbane iyo taariikh dhibaateeye labadaba. Digil iyo Mirifle waa beel hubeysan; kama mid aha beelaha loo yaqaanno Kuwa Kale (Others).
Waxaa wax laga xumaado ah in Xarunta Cilmibaarista Horumarinta ee Puntland ( PDRC) hadda loo ekeysiiyay madasha isku dirka beelaha Soomaalida. Wadaaddada ka hadlay kulanka PDRC ay abaabushay ku saabsan u nuglaanta burburka qarannimo, waxay sheegeen in siyaasiyiintu ka faa’iidaan isku dirka iyo kala fogeynta Soomaalida.
Cabdinaasir M. Yuusuf (Kabayare), agaasimaha PDRC, waa inuu ka gilgasho sida kulanka loogu beddelay goob lagu weeraro beelo Soomaaliyeed.
Mabda’ ka mid mabaadii’da lagu dhisay Puntland waa mid dagaalkii sokeeye u arka “raad arooryo dib looma raaco.” Sumcaddaas Puntland lahayd waxaa lagu waxyeelleeyay shirka ay PDRC abaabushay.
Haddii siyaasiyiintu doonayaan meel ay ku nafisaan oo cuqdadaha haya ku soo bandhigaan, waa inay la doontaan goobo kale oo si habsami leh loogu fadhi-ku-diriri karo. Waa in PDRC raalligelin ka bixiso aflagaaddada beelo Soomaaliyeed loogu geystay kulan ay abaabushay hay’addu. Duqa Magaalada Garoowana sidoo kale.
© Puntland Post, 2026
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaalida · waxay · ekaatay
Sii akhri
- Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka
Somali National TV
- Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyey musharraxiinta doorashada ku-celiska ah ee Galmudug
Goobjoog Somali
- Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino
Somali National TV