Topic
Warkasta is tracking soomaalida across 11 reports from 6 sources. Recent coverage touches minnesota, trump, and soomaaliya, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Dad dhowr ah ayaa ku dhintay dagaal maalmihii u dambeeyay magaalada Moyale ku dhex marayay ciidamada dowlad-deegaannada Soomaalida iyo Oromia ee dalka Itoobiya, sida ay ilo wareedyo Sabtidii u sheegeen wakaaladda wararka AFP. Dagaalka, oo salka ku haya muranno dhuleed, ayaa billowday Talaadadii, kaddib markii calanka dowlad-deegaanka Soomaalida laga taagay magaalada.…

Wargeyska Mareykanka ee The Boston Globe ayaa qormo ra’yi ah oo uu Khamiistii daabacay si adag ugu dhaliilay weerarrada afka ah ee Madaxweyne Donald Trump ku hayo Soomaalida, isagoo ku xiriiriyay jawiga doorashooyinka Congress-ka iyo hoos u dhaca taageerada dadweynaha ee siyaasaddiisa socdaalka. Qormada oo ay qortay Yvonne Abraham ayaa lagu…

Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa markii u horreysey faahfaahin ka bixisey ciidamadii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee galay xadka DDS, iyada oo Hoggaanka Nabadgelyada DDS, Cabdulqaadir Rashiid uu qoray “Waxaan bulshada la wadaagaynaa xog ku saabsan ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo bilihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Jigjiga, kuwaas oo la sheegay…

Masjidyada ku yaalla gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa bilaabay inay adkeeyaan ammaankooda, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca iyo cabsi laga qabo weerarro lagu beegsado bulshada Soomaaliyeed, kadib hadallo kulul oo Madaxweyne Donald Trump uu ku weeraray Soomaalida ku nool gobolkaas. Walaaca ayaa xoogaystay kadib markii Trump uu Khamiistii bartiisa Truth…
Guusha ay Sagal Abdi-Wali ka gaartay doorashadii baarlamaanka Britain ee 8-dii Oktoobar 2026, waxay farxad iyo Sharaf u tahay Soomaalida meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Sagal waxay ku guuleysatay kursiga Holborn and St Pancras, iyadoo heshay12,292 cod, kana guuleysatay musharraxiintii la tartamayay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhaliyay caro iyo cambaareyn xooggan kadib markii uu shacabka gobolka Minnesota ugu baaqay inay iska caabiyaan Soomaalida ku nool gobolkaas, isaga oo ku eedeeyay inay la wareegeen Minnesota, isla markaana ay mas’uul ka yihiin rabshadaha iyo falalka dembiyada ah ee halkaas ka dhaca. Hadalka Trump, oo…

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sii xoojiyay hadalladiisa ka dhanka ah Soomaalida ku nool Mareykanka, isaga oo dadka gobolka Minnesota ugu baaqay inay “iska caabiyaan” bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku nool. Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in gobolka Minnesota ay la wareegayaan muhaajiriin Soomaaliyeed. “Dadka Minnesota…

Trump ayaa si adag u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isagoo dadyowga kale ugu baaqay in ay la dagaallamaan isla markaana haddii loo baahdo dowladda federaalku ay arrintaa gacan ku siinayso.
Soomaalida ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday siyaasadda iyo maamulka sare ee dalka Itoobiya, iyadoo xubno Soomaali ah ay qabteen xilal muhiim ah oo ka tirsan Jagooyinka dowladda federaalka Itoobiya.

Tirada Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee lagu amray in laga masaafuriyo Mareykanka ayaa si weyn kor ugu kacday sanadkan, iyadoo in ka badan 500 oo qof ay heleen amarro masaafurin, taas oo ku dhow toban jibbaar tiradii sanadkii 2025. Wargeyska Minnesota Star Tribune, oo falanqeeyay xogta dowladda federaalka, ayaa sheegay…
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo deegaanka, taas oo u oggolaanaysa inuu sii wato xilka uu hayay tan iyo isbeddelkii siyaasadeed ee dhacay sannadkii 2018.