Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Puntland iyo Caqabadaha Dhaqaale ee Is Biirsaday: Ma Joogtaa Xilligii Dib-u-habeynta Siyaasadda Dhaqaalaha?
Puntland waxay maanta ku jirtaa marxalad dhaqaale oo adag, taas oo ay isku biirsadeen arrimo gudaha iyo dibadda ka yimid.… Sii akhri
Puntland waxay maanta ku jirtaa marxalad dhaqaale oo adag, iyadoo ay saameeyeen sicir-barar, hoos u dhac gargaarka, abaaraha, iyo shaqo la'aan sii kordhaysa.
Maxaa la shaaciyey
- Qiimaha maciishada, shidaalka, gaadiidka iyo adeegyada aasaasiga ah ayaa korodhay, halka dakhligii bulshada uu hoos u dhacay.
- Hoos u dhaca gargaarka caalamiga ah iyo hakadka mashaariicda horumarineed ayaa yareeyay fursadaha shaqo.
- Abaaraha soo noqnoqday ayaa dhaawac culus gaarsiiyeen dhaqaalaha xoolaha, taasoo keentay in qoysas badan ay deymo qaataan.
Macnaha guud
Puntland waxay wajahaysaa caqabado dhaqaale oo is biirsaday, taas oo keentay in bulshada ay la kulanto dhibaatooyin badan.
“Dowladuhu ma dhismaan oo keliya marka cashuurta la kordhiyo; waxay xoog yeeshaan marka dhaqaaluhu kobco.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan xaaladda dhaqaale ee Puntland si ay u ogaadaan saameynta ay ku yeelan karto noloshooda.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Puntland waxay maanta ku jirtaa marxalad dhaqaale oo adag, taas oo ay isku biirsadeen arrimo gudaha iyo dibadda ka yimid. Sicir-bararka caalamiga ah, hoos u dhaca gargaarka iyo maalgelinta dibadda, abaaraha daba dheeraaday, shaqo la’aanta sii kordhaysa, iyo gaabiska koboca dhaqaalaha ayaa si toos ah u saameeyay nolosha shacabka iyo awoodda ganacsiga.
Bulshada ku dhaqan Puntland waxa ay wajahayaan koror joogto ah oo ku yimid qiimaha maciishada, shidaalka, gaadiidka iyo adeegyada aasaasiga ah, halka dakhligoodii dhabta ahaa uu sii yaraanayo. Isla mar ahaantaana, bulshada nugul, gaar ahaan reer miyiga, xoolo-dhaqatada, barakacayaasha iyo dhalinyarada shaqo-doonka ah, ayaa qaaday culayska ugu weyn ee xaaladdan.
Tan iyo sannadkii 2025, hoos u dhaca gargaarka caalamiga ah iyo hakadka ku yimid mashaariic badan oo horumarineed waxay yareeyeen fursadaha shaqo, wareegga lacagta iyo maalgelintii bulshada. Waxaa sidoo kale yaraaday lacagihii ay qurbajoogtu usoo diri jireen qoysaskooda iyo maalgashigii ay ku samayn jireen Puntland, taas oo sii wiiqday dhaqaalaha gudaha.
Dhanka kale, abaaraha soo noqnoqday waxay dhaawac culus gaarsiiyeen dhaqaalaha xoolaha oo laf-dhabar u ah nolosha reer miyiga. Qoysas badan ayaa galay deymo si ay u daboolaan kharashaadka biyaha, calafka iyo badbaadinta xoolahooda, halka dakhligii ay ka heli jireen iibka xoolaha iyo caanuhuna uu si weyn hoos ugu dhacay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.