Puntland oo farriin u dirtay mucaaradkeeda xiriirka la leh Villa Somalia
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee xiriirka la leh dowladda Federaalka Soomaaliya,… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee xiriirka la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in aan loo adeegsan faragelinta deegaanadooda.
Madaxweyne Lugatoor ayaa yiri “siyaasiyiinta reer Puntland ee Xasan la qaraaban jirtay waxaan leenahay Xasan xilligiisii dhammaaye, ayaan Puntland la idiin soo dirin”.
Hadalka Lugatoor wuxuu yimid, xilli maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Boosaaso soo gaareen siyaasiyiin ka yimid Muqdisho oo halkaas ka wada abaabul ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Siciid Deni.
Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa ku sugan ciidamo ka amarqaata siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, kuwaas oo qaarkood xilal ka hayaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan