Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Puntland oo shirarka mucaaradka ka mamnuucday gobolka Mudug
Maamulka gobolka Mudug ayaa joojiyay shirarka iyo kulamada siyaasadeed ee oggolaansho la’aanta lagu qabto, sida lagu sheegay warqad ka soo… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Maamulka gobolka Mudug ayaa joojiyay shirarka iyo kulamada siyaasadeed ee oggolaansho la’aanta lagu qabto, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Cabdiweli Jibriil Bayle.
“Waxaa la farayaa taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug, taliyaha hay’adda nabadsugida gobolka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka in aan shirar siyaasadeed oo aan fasax looga haysan maamulka gobolka Mudug lagu qaban karin hoteelada iyo meelaha kaleba” ayuu yiri guddoomiye Bayle.
Sidoo kale maamulka gobolka Mudug wuxuu ku wargeliyay maamulayaasha hoteelada iyo goobaha shirarka in aan xarumahooda lagu qaban karin shir siyaasadeed oo aan ogolaansho ka haysan dowladda.
Maamulka gobolka Mudug ayaa sheegay in ciddii ka hor-timaada meelmarinta amarkan laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.