Puntland oo war ka soo saartay xiisadda ka taagan Magaalada Muqdisho.
Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu maanta shir guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas…

Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland ayaa looga hadlay xiisadaha ka taagan Muqdisho iyo muranka doorashooyinka.
Maxaa la shaaciyey
- Puntland ayaa cambaareysay weerarro ay ciidamada dowladda federaalku ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
- Puntland waxay sheegtay in mas’uuliyadda khasaare kasta oo ka dhasha dhacdooyinkaas uu qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
- Puntland waxay ku baaqday in si degdeg ah loo qabto shir wadatashi qaran oo ay kasoo qayb galaan dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Macnaha guud
Xiisadaha ka taagan Muqdisho iyo muranka doorashooyinka ayaa sababay in Puntland ay ka hadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka.
“Puntland ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka fogaadaan colaado, xasarado iyo tallaabooyin sii hurin kara xiisadda taagan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyada xasiloonida.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu maanta shir guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas…
Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo uu maanta shir guddoominayay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadaha ka taagan Muqdisho iyo muranka la xiriira doorashooyinka iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay weerarro la sheegay inay ciidamada dowladda federaalku ku qaadeen guryaha Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Puntland ayaa sheegtay in mas’uuliyadda wixii khasaare ah ee ka dhasha dhacdooyinkaas uu qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Puntland oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka fogaadaan colaado, xasarado iyo tallaabooyin sii hurin kara xiisadda taagan. Waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay muujiyaan deggenaansho isla markaana ka fogaadaan falal keeni kara amni darro iyo qalalaase.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.