Qaramada Midoobay oo ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya kaddib xiritaanka UNTMIS
Waxa dhacay
70 ilbiriqsiQaramada Midoobay ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya kaddib xiritaanka UNTMIS, iyadoo Xoghayaha Guud António Guterres uu xusay iskaashiga joogtada ah ee lala yeelanayo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinWuxuu ku baaqay in beesha caalamku sii waddo taageerada ay siiso dalka, si loo xoojiyo horumarka, loo dhiirrigeliyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiin, loona dhiso hay’adaha dowladda, isla markaana loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha.
- Go’aan la gaarayXiritaanka UNTMIS ayaa daba socda geeddi-socod laba sano ah oo kala-guur ah, kaas oo billowday bishii Nofeembar 2024, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024).
- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in QM ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya, isla markaana ay la shaqeyn doonto dowladda federaalka, Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara.
- Guterres ayaa arrintan ku dhawaaqay Sabtidii, 31-ka Oktoobar, oo ahayd maalintii loo qorsheeyay in Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) uu si rasmi ah u soo afjaro howlgalladiisa, kaddib muddo uu qayb ka ahaa dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa ballanqaadka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya xilliga isbeddelka muhiimka ah, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida iyo horumarka dalka.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin noocyada gaarka ah ee taageerada ay Qaramada Midoobay siin doonto Soomaaliya mustaqbalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Qaramada Midoobay ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya kaddib xiritaanka UNTMIS.
- António Guterres ayaa sheegay in xiritaanka UNTMIS uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay ka baxeyso Soomaaliya.
- Guterres ayaa sidoo kale ammaanay horumarka ay Soomaaliya samaysay sanadihii la soo dhaafay, isaga oo bogaadiyay adkeysiga iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
New York – Qaramada Midoobay (QM) ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyadeeda dalka ka howlgala, kaddib markii la soo afjaray howlgalkeedii ku-meel-gaarka ahaa ee Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa sheegay in QM ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya, isla markaana ay la shaqeyn doonto dowladda federaalka, Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara.
Guterres ayaa arrintan ku dhawaaqay Sabtidii, 31-ka Oktoobar, oo ahayd maalintii loo qorsheeyay in Hawlgalka Kaalmaynta Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) uu si rasmi ah u soo afjaro howlgalladiisa, kaddib muddo uu qayb ka ahaa dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Guterres ku sheegay in xiritaanka UNTMIS uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay ka baxeyso Soomaaliya, balse ay taageerada sii mari doonto hay’adaha kale ee dalka ka howlgala.
“Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa inay taageerto Soomaaliya iyada oo loo marayo hay’adaha degan, sanduuqyada iyo barnaamijyada, iyadoo la shaqeyneysa hay’adaha Soomaaliya, Midowga Afrika iyo la-hawlgalayaasha kale ee caalamiga ah si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara,” ayuu yiri Guterres.
Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ammaanay horumarka ay Soomaaliya samaysay sanadihii la soo dhaafay, isaga oo bogaadiyay adkeysiga iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed, inkastoo ay weli jiraan caqabado badan oo dalka ka jira.
“Waxaan ammaanayaa horumarka la gaaray iyo go’aan-qaadashada iyo adkeysiga dadka Soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan caqabado badan oo ay wajahayaan,” ayuu raaciyay.
Guterres ayaa sidoo kale u mahadceliyay shaqaalihii ka soo shaqeeyay UNTMIS iyo howlgalladii Qaramada Midoobay ee ka horreeyay, isaga oo xusay kuwa naftooda ku waayay iyagoo ka shaqeynayay taageerada nabadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qiray in Soomaaliya ay weli wajahaysato caqabado waaweyn oo la xiriira siyaasadda, amniga, xaaladaha bani’aadannimo iyo horumarka. Wuxuu ku baaqay in beesha caalamku sii waddo taageerada ay siiso dalka, si loo xoojiyo horumarka, loo dhiirrigeliyo wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo dib-u-heshiisiin, loona dhiso hay’adaha dowladda, isla markaana loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha.
Xiritaanka UNTMIS ayaa daba socda geeddi-socod laba sano ah oo kala-guur ah, kaas oo billowday bishii Nofeembar 2024, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024).
Geeddi-socodkaasi wuxuu yimid kaddib codsi ay dowladda federaalka Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ku saabsanaa in mas’uuliyado dheeraad ah oo la xiriira maamulka dalka, nabad-dhisidda iyo arrimaha amniga loo wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, hawlihii UNTMIS waxaa si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay, sanduuqyadeeda iyo barnaamijyadeeda.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Qaramada Midoobay ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya kaddib xiritaanka UNTMIS, iyadoo Xoghayaha Guud António Guterres uu xusay iskaashiga joogtada ah ee lala yeelanayo hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Qodobada muhiimka ah
- Qaramada Midoobay ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya kaddib xiritaanka UNTMIS.
- António Guterres ayaa sheegay in xiritaanka UNTMIS uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobay ay ka baxeyso Soomaaliya.
- Guterres ayaa sidoo kale ammaanay horumarka ay Soomaaliya samaysay sanadihii la soo dhaafay, isaga oo bogaadiyay adkeysiga iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Eedeymaha ku saabsan horumarka Soomaaliya waxay ku saleysan yihiin hadallada Guterres iyada oo aan la xaqiijin madax-bannaan.
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin ku saabsan caqabadaha gaarka ah ee Soomaaliya weli wajahdo.
Gunaanadka akhristaha
Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa inay ka qaybqaadato Soomaaliya inkastoo xiritaanka UNTMIS, taasoo muujinaysa taageerada caalamiga ah ee horumarka dalka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin noocyada gaarka ah ee taageerada ay Qaramada Midoobay siin doonto Soomaaliya mustaqbalka?
- Sidee loo maamuli doonaa wareejinta mas'uuliyadaha UNTMIS ilaa hay'adaha maxalliga ah?
- Waa maxay caqabadaha gaarka ah ee Soomaaliya wajahayso sida uu sheegay Guterres?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa ballanqaadka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya xilliga isbeddelka muhiimka ah, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida iyo horumarka dalka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qaramada · doonto · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada