Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
(ERGO) – Nolol xumo ayay wajahayaan qoysaska 120 macalin oo wax ka dhigayay 8 iskuul oo ku yaallay xeryaha magaalada Baydhabo. Dhaqaale la’aan ayay u xirmeen horraantii sanadkan, markii uu joogsaday qandaraas ay ka helayeen hay’adaha Save the Children iyo SOS. Waxay maarayn la’yihiin dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah ee reerahooda. Culaysyadan isku biirsaday ayaa ku qasbay... The post Qoysaska macal

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
(ERGO) – Nolol xumo ayay wajahayaan qoysaska 120 macalin oo wax ka dhigayay 8 iskuul oo ku yaallay xeryaha magaalada Baydhabo. Dhaqaale la’aan ayay u xirmeen horraantii sanadkan, markii uu joogsaday qandaraas ay ka helayeen hay’adaha Save the Children iyo SOS.
Waxay maarayn la’yihiin dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah ee reerahooda. Culaysyadan isku biirsaday ayaa ku qasbay in qaarkood ay dulsaar ku noqdaan dad kale, markii laga soo eryahay guryihii ay deganaayeen oo kiradooda ay bixin waayeen.
Xasan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in shaqo la’aantu ay saamayn ku yeelatay nolosha qoyskiisa oo 8 qof ah. Wuxuu u la’yahay cunno hal mar ah, biyo ku filan iyo waxbarashada carruurtiisa, markii uu ka istaagtay mushaar $100 ah oo uu ka qaadan jiray hay’adda SOS oo iskuulkii uu dhigyay taageeri jirtay
“Muddo afar bilood ah ayaan baaga-muudo ahay. Arintaas si weyn ayay ii saamaysay, xaaladeena nololeedna aad ayay u adag tahay xilligaan. Waxaan ku tiirsanahay daymo iyo shaxaad, wax kale ma helno.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wardheer News
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan