Qoyska Suldaan Galad Aadan Cismaan oo ka Hadlay Xariggiisa Muqdisho
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiQoyska Suldaan Galad Aadan Cismaan ayaa ka hadlay xarigga Suldaanka oo ay sheegeen in shalay laga xiray degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in la dhowro xuquuqdiisa, lana caddeeyo sababta rasmiga ah ee loo xiray.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinWaxay sidoo kale ku baaqeen in la caddeeyo xaaladda Suldaanka, lana xaqiijiyo in la dhowrayo xuquuqdiisa sharciga ah.
- Qoyska Suldaanka ayaa sheegay in xariggiisa uu la xiriiri karo loollanka siyaasadeed ee ka socda maamulka Hirshabeelle, iyagoo farta ku fiiqay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Cismaan Daalo, oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo xarigga Suldaanka.
- Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda oo faahfaahinaya sababta xarigga Suldaan Galad Aadan Cismaan ama xaaladdiisa.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Qoyska Suldaan Galad Aadan Cismaan ayaa ka hadlay xarigga Suldaanka oo ay sheegeen in shalay laga xiray degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in la dhowro xuquuqdiisa, lana caddeeyo sababta rasmiga ah ee loo xiray.
Qoyska Suldaanka ayaa sheegay in xariggiisa uu la xiriiri karo loollanka siyaasadeed ee ka socda maamulka Hirshabeelle, iyagoo farta ku fiiqay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Cismaan Daalo, oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo xarigga Suldaanka.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in la caddeeyo xaaladda Suldaanka, lana xaqiijiyo in la dhowrayo xuquuqdiisa sharciga ah.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha dowladda oo faahfaahinaya sababta xarigga Suldaan Galad Aadan Cismaan ama xaaladdiisa.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qoyska · muqdisho · galad