Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Goobjoog Somalieconomy

Qoyskii Nebi Ibraahin: Sida Halganka Qoys u Noqday Tiirka Shanaad ee Islaamka

Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dulxaj keliya ma aha maalmo cibaado, waase maalmo ina xusuusinaya qoys ku caanbaxay jirrabid iyo imtixaan, dhabar-adayg, iyo iimaan. Waana qoyska barakaysan ee Nebi…

SO
Qoyskii Nebi Ibraahin: Sida Halganka Qoys u Noqday Tiirka Shanaad ee Islaamka
Sawir / xog muuqaal ah · Goobjoog Somali

Maqaalka wuxuu falanqeynayaa sida qoyskii Nebi Ibraahin (CS) uu u noqday tiirka shanaad ee Islaamka, iyadoo la xusayo dhacdooyinka muhiimka ah ee ka dhacay tobankan maalmood ee bisha Dulxaj.

Maxaa la shaaciyey

  1. Maalmahan bisha Dulxaj waxaa lagu xusaa qoyska Nebi Ibraahin (CS), xaaskiisii Haajira, iyo wiilkooda Ismaaciil (CS) oo caan ku ah dhabar-adayg iyo iimaan.
  2. Maqaalka wuxuu si faahfaahsan u sharxayaa tallaabooyinka qoyskaas qaaday iyo sida ay u noqdeen rukunno diini ah.
  3. Haajira waxay muujisay iimaan weyn markii ay tiri: 'Haddaba Alle nama dayici doono!'

Macnaha guud

Maqaalka wuxuu ka hadlayaa muhiimadda cibaadada iyo dhabar-adayga ee qoyska Nebi Ibraahin (CS) iyo saamaynta ay ku leeyihiin Muslimiinta maanta.

'Haddaba Alle nama dayici doono!'

Maka

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka baran karaan qiimaha iimaanka iyo dhabar-adayga ee qoyska Nebi Ibraahin (CS) iyo sida ay u saameeyeen taariikhda Islaamka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Goobjoog Somali

Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dulxaj keliya ma aha maalmo cibaado, waase maalmo ina xusuusinaya qoys ku caanbaxay jirrabid iyo imtixaan, dhabar-adayg, iyo iimaan. Waana qoyska barakaysan ee Nebi Ibraahin (CS), xaaskiisii Haajira, iyo wiilkooda Nebi Ismaaciil (CS). Malaayiinta Muslimiinta ah ee maalmahan isugu tagaya magaalada Maka, iyo soonka ay malaayiinta kale soomayaan iyaga oo dunida dacalladeeda jooga, ma aha acmaal iska yimid; waase raadadkii ka haray dhididkii, oohintii, go’doonkii saxaraha, iyo guushii weynayd ee qoyskaas saamaynta ku yeeshay masiirka bini-aadamka oo dhan. Tallaabo kasta oo ay qaadeen qarniyo ka hor qoyskaas, ha ahaato dhabar-adayggii hooyo keligeed ah oo taagan meel waaqla’ ah, addeeciddii iyo calool-adayggii wiil dhallinyaro ah, ama go’aankii adkaa ee aabbe naftiisii u huray fulinta amarka Rabbaaniga ah, intaba, waxay maanta u beddelmeen rukunno adag oo hagaya midnimada iyo cibaadada ummadda Muslinka ah.

Maqaalkan wuxuu si faahfaahsan u qaadaadhigayaa tallaabooyinkii uu qoyskaas qaaday, iyo si gaar ah, tallaabo walba siday u noqotay rukun diini, oo waajib ama sunno, ah oo la fuliyo tobankan maalmood. Intaas waxaa dheer, maqaalka waxaa qayb ka ah falanqaynta aqooneed ee dhanka falsafadda tawxiidka, cilminafsiga dhabar-adayga, iyo cilmiga bulshada, innagoo soo xiganayna ilaha ugu mudan ee mawduucan laga qoray, sida u kuurgalidda falsafaddii Søren Kierkegaard iyo buuggiisa “Fear and Trembling” iyo qoraallada tarbiyadeed ee Dr. Ali Al-Sallabi, si ay noogu soo baxdo nuxurka ah: in qoyskii Nebi Ibraahin ay yihiin dugsiga rasmiga ah ee laga barto xorriyadda nafta iyo u hoggaansanka Alle.

Go’doonkii Haajara

Nebi Ibraahin (CS) wuxuu keenay xaaskiisii Haajira iyo wiilkiisii naaska nuugayay ee Ismaaciil dooxada Makka oo markaas ahayd meel saxare ah, oo aan biyo, baad, dad, iyo dhir toona lahayn. Isagoo u hoggaansamaya amarka Alle, wuxuu kaga tagay weel yar oo biyo ah iyo xoogaa timir ah, kadibna waa uu ka dhaqaaqay. Markii Haajara ay weydiisay: “Ma Alle ayaa kugu amray?” Isaguna uu yiri “Haa” , waxay tiri mid kamid ah ereyada ugu awoodda badan ee abid taariikhda iimaanka iyo dhabar-adayga bini-aadamka laga qoro oo ahayd: “Haddaba Alle nama dayici doono!”

Isha: Goobjoog Somali. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Goobjoog Somali
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliaeconomyeconomynebiqoys
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.