Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Federaalka oo Booqday Xarunta Xaawa Taako
MUQDISHO – Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Xarunta Nabadda, Horumarinta iyo Gargaarka Banii’aadannimo ee Xaawa Taako, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta xarunta iyo qaar ka mid ah madax hore oo dowladeed. Mas’uuliyiinta booqashada ka qeyb galay ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, Wasiiru Dowlaha [&#
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday Xarunta Xaawa Taako, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta xarunta iyo madax hore oo dowladeed.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira dowlad-dhiska, nabadda, horumarinta bulshada.
- Mas'uuliyiinta booqashada ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud.
- Wada-hadallo iyo is-weydaarsi ayaa lagu sameeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo bulshada.
“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira dowlad-dhiska, nabadda, horumarinta bulshada.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo bulshada si loo gaaro horumar iyo xasillooni.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay Xarunta Nabadda, Horumarinta iyo Gargaarka Banii’aadannimo ee Xaawa Taako, halkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiinta xarunta iyo qaar ka mid ah madax hore oo dowladeed.
Mas’uuliyiinta booqashada ka qeyb galay ayaa kala ahaa Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Bacad iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.
Wafdiga ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Xarunta Xaawa Taako oo ay ugu horreyso Marwo Aamina Xaaji Cilmi, iyadoo kulanka ay sidoo kale ka qeyb galeen Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dr. Cabdikariim Jaamac iyo Wasiirkii hore ee Howlaha Guud Cabdirashiid Khaliif.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira dowlad-dhiska, nabadda, horumarinta bulshada iyo doorka ay bulshada rayidka ah ka qaadan karto xoojinta wadajirka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.